Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoonka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo beeniyey wararka sheegaya in Dastuurka isbedel lagu sameeyey

$
0
0

jawaari shir jaraa'idMuqdisho{RBC Radio} Gudoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka u daruuray wararka sheegaya in dowladda Soomaaliya ay isbedel ku samaysay dastuurka dalka,afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari ayaa beeniyey in isbedel lagu sameeyey dastuurka.

Maxamed SH Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay wararka sheegaya in dowladdu ay waxbadan ka bedeshay dastuurka mid aan sal iyo raad toona lahayn,wuxuuna tilmaamay in dastuurku uu yahay sidii ay ugu yimaadeen,wuxuuna xusay iney habooneed in hadii ay tabasho jirto in si hoose loo xaliyo balse  aysan wanaagsaneen in warbaahinta wax aan jirin laga sheego sida uu yiri.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya  ayaa sheegay in maalintii isaga loo dhaariyey gudoonka baarlamaanka inuu dalbaday in dastuurka loo keeno,wuxuuna tilmaamay in maalintaas loo keenay dastuurka oo Shabbaysan isla markaane uu qaybiyey walina ay ku dhaqmayaan dastuurkii sanad ka hor loo keenay aysane jirin wax isbedel ah oo ilaa haddu lagu sameeyey.

Afhayeenka baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in eedeymo la jeediyo iyada oo aan wax cadayn ah loo hayn sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna soo jeediyey iney wanaagsan tahay in dhammaan ummada Soomaaliyeed  ay fahanto in dastuurka ay wada leeyihiin hadii wax qaldamaane ay si wadajir ah  wada saxdaan .

Hadalka gudoomiyaha baarlamaanka ayaa imaanaya xilli maamulka Puntland uu ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka kadib markii masuuliyiinta Puntland ay sheegeen in dowladdu ay qodobo badan oo dastuurka ah isbedel ku samaysay sida ay sheegeen.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles