Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya oo Muqdisho dib ugu soo noqday

$
0
0

ciilkaMuqdisho{RBC Radio} Wasiirka warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka xukuumadda federaalka Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caaasimadda Soomaaliya.

Waftiga wasiirka Warfaafinta,Isgaariisnta,Boostada iyo Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa gagida diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta oo ay horkacayeen wasiirka ku xigeenka wasaaradda,agaasimaha guud iyo masuuliyiin kale.

C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa garoonka kula hadlay warbaahinta wuxuuna ka warbixiyey safarkii uu mudooyinka ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,wuxuuna tilmaamay inuu halkaa kulamo kula soo qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi.

Wasiirka ayaa tilmaamay inuu u sharaxay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Kenya waxqabadka xukuumadda Soomaaliya,wuxuuna xusay inuu u bandhigay Jaaliyadda iney garab istaagaan dowladda isla markaane ay dhaqaalo ku taageeraan.

C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa dhanka kale soo hadal qaaday dilka dhawaan Muqdisho loogu geystay farsamayaqaankii Warbaahinta dowladda Inj.Axmed Shariif oo kooxo bistooladu ku hubaysan ay ku toogteen degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo Gaadiidka dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyey geerida Farsamayaqaanka,wuxuuna Alle uga baryey inuu u naxariisto Eheladii iyo qaraabaduu uu ka baxayna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Wasiirka Warfaafinta ayaa maalmahan danbe ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya halkaas oo uu wadahadallo kula soo qaatay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladaasi.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles