Jowhar(RBC Radio} Wafti ballaaran oo ka socda Hay’adaha kala duwan ee gargaarka Qaramada Midoobay u qaabilsan ayaa maanta barqadii gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe,iyadoona si weyn loo adkeeyey nabadgalyada magaalada Jowhar.
Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa ku waramaya in waftigan ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay ee gaaray magaalada Jowhar uu hogaaminayo Philip Lazarani oo ah xiriiriyaha deeqaha bini aadaninimo ee Qaramada Midoobay waxaana socdaalkiisa ku wehlinaya saraakiil kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay.
Waftiga Qaramada Midoobay ee maanta tagay magaalada Jowhar ayaa waxaa la tilmaamay in Diyaarad Helicopter ah ay ku dajisay Garoonka Isbartiibada Kubadda Cagta magaalada Jowhar oo ku yaalla Xaafadda Hanti-wadaag ee magaaladaasi.
Dadweyne fara badan ayaa ka qayb qaatay soo dhaweynta waftigan ka socda Qaramada Midoobay ee gaaray magaalada Jowhar,waxaana sugidda amniga magaalada iska kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM,waxaana maanta xayiran isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha degmada Jowhar.
Waftigan ayaa ujeedka Safarkooda lagu sheegay u kuurgalidda xaaladaha aadaninimo ee ka jira gobolka Shabeelaha dhexe oo muddo dhow sano ah gacanta ugu jiray alshabaab oo diiday in dadka halkaa ku dhaqan la gaarsiiyo gurmadka ay u baahan yihiin,waftiga ayaa lagu wadaa iney kulamo la qaataan masuuliyiinta maamulka gobolkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho