Beledweyne{RBC Radio} Shir looga arinsanayo xaaladaha gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay deegaanka ceel-jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne,shirka oo ay soo abaabuleen waxgaradka iyo Jaaliyadaha reer Hiiraan ayaa waxaa looga wada tashanayaa xaaladaha gobolkaasi iyo sidii loo soo celin lahaa amniga iyo kala danbaynta gobolkaas si Mashaariic horumarineed looga hirgaliyo.
Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo shirka Daah furay ayaa sheegay in maamulku uu taageerayo waxyaabaha kasoo baxa shirka,wuxuuna dhanka kale ballan qaaday xaqiijinta amniga goobta uu shirku ka socdo iyo dadka kala gadisan ee shirka ka qaybgaya.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka mid ah madax dhaqameedka ugu caansan dalka Soomaaliya oo loo igmaday inuu shir gudoomiyo shirka ka furmay magaalada Beledweyne ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka reer Hiiraan iney midoobaan gacmahane is qabsadaan.
Ugaaska ayaa ku booriyey bulshada gobolkaa iney muujiyaan isku duubni ayna ka wada shaqeeyaan sidii ay nabad uga dhigi lahaayeen gobolkooda,deriskane ay xasilooni ugula noolaan lahaayeen.
Waxaana sidoo kale furitaanka kulanka hadallo ka jeediyey Saraakiisha ugu saraysa ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne,waxayna si isku mid ah u ballan qaadeen iney shacabka reer Hiiraan gacan ka siinayaan soo celinta nabadgalyada gobolka iyo la dagaalanka alshabaab.
Dhanka kale waxaa maanta magaalada Beledweyne gaaray Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya,mudanayaasha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif si diiran ugu soo dhaweeyey masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.
Xildhibaanada oo gaaraya 4 Xildhibaan oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in socdaalkooda uu salka ku hayo ka qaybgalka shirka looga arinsanayo aayaha gobolka Hiiraan ee maanta ka furmay magaalada Beledweyne.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho