Addis-Ababa [RBC Radio]Magaaladda Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia waxaa maantey lugu waddaa inuu ka furmo kulan horudhac u noqon doona wada-hadallada lugu doonaya in lugu soo afjaro arrimaha ay isku diidanyihiin dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.
Kulankaan horudhac u ah wada-hadallada Jubbaland iyo DFS ayaa waxaa qeyb ka ah Urur goboleedka IGAD iyo ergeyga gaarka ah ee QM uqaabilsan Soomaaliya Nichols Key kuwaaso xiligaan dhex dhaxaadin ka dhex wada labada dhinac ee shireysa.
Kulanka lugu waddo inuu maantey furmo ayaa waxaa isku arki doona madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdulaahi Sheekh Ismaacil (Fartaag) iyo wasiiru dowlaha madaxtooyadda Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir.
Arrimaha ay isla meel dhigaan labada masuul ayaa waxaa la horgeen doona madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) kuwaaso sii anba qaadi doona wada-hadalkooda.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa iyaguuna kulan ballaaran yeelan doona xiliga oo soo idlaado kulamada horudhaca ah,waxana ay isla soo qaadi doonan khilaafka xiligaan dhex yaala labada dhinac iyo sidii ay xal uga gaari lahaayen.
Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa horey uga soo horjeesatey maamulka Jubbaland oo ay sheegtey inaysan aqoon saneen,arrintasina ay dhalisey inuu khilaaf soo kala dhex galo Jubbaland iyo DFS.
Madaxweynaha xiligaan ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa magaaladda Kismaayo ku doortey ergo ka kala timid saddexda gobol ee u maamulka ka arrimiyo.
Si kasto ay ahaataba wada-hadalladaan maantey furmaya ayaa waxaa rajo wanagsan oo inuu kusoo dhamado is afgarad ka muujiyey qar ka mid ah siyaasiyinta Soomaaliyed iyo waxgarad.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo