Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dhulbeereed Ay Leedahay Warshada Sharaabka Ee SBI Oo Kooxi Hubaysani Weerer Ku Qaaday (Dhageyso)

$
0
0

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Hargeysa (RBC)- Dhulbeereed ay leedahay shirkada sharaabka ee Somaliland Beverage Industry ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaano SBI ayaa weerar lagu soo qaaday saaka waabarigii.

Mid ka mida ilaalada beertaas oo galabta warbaahinta ugu waramaayey beerta lagu soo weeraray ayaa sheegay in cida falkaas fulisay ay amar ka haysteen wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha guddaha.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khasaare la soo gaadhsiyey mishiino beertaas lagu waraabinaayey iyo geedo saytuun ahaa oo beertaas lagu beeray.

Jaamac Maxamed Cumar oo arrintaas ka hadlayaana waxa uu yidhi:-

“Meeshan dhacdooyin badan ayaa ka dhacay mishiinkana waa la qaatay sadex jeer oo hore iyo waliba qalab kale oo badan oo kuwa beeraha ah, markii afaraad waatan rasaasta mishiinka la’la dhacay run markaan idiin sheegana wasiir ku xigeenka aminiga Cabdilaahi Abokor oo deegaankana ka soo jeeda ayaa dadkan soo dira”.

Jaamac oo ka hadlaaeyey cida weerarka ku soo qaaday tiro ahaan inta ay dhamaayeen ayaa yidhi;-

“Ilaa shan nin ayaa qoryo nagu qabtay oo hareeraha naga istaagay mid ka mid ah oo baastoolad sitay ayaa aniga igu qabtay kuwii kalena mishiinkan ayay ku soo dhaqaaqeen oo ay toogteen ka dib waa ay iska tageen, dhir badan oo aanu beernay oo saytuun ahaydna waa ay jar jareen. Beertan rag badan oo dadka deegaanka ka mid ahaa ayaa lahaa dhamaantoodana waa la wada ogaa oo si sharciyaysan ayay u iibiyeen”.

mar uu ka hadlaayey falkan oo la xidhiidhiyey wasiir ku xigeenka amniga Somaliland waxa uu yidhi:-

“Ma garnaayo sababta uu wasiir ku xigeenka amnigu meeshan rabshada uga ridaayo laakiin ilaa maalintiia arinka beertaas la bilaabay ilaa maanta fawdo ayuu ku jiraa dadkana shaadhka dawlada ee uu sito ayuu u sheeganayaa, booliska magaalada Dacarbudhuq waa ay yimaadeen laakiin arinkaas waxba wali lagma qaban, waxaanu rajaynaynaa in arintaa sharcigu si fiican wax uga qabo”

Lifaaqa hoose ka daawo sawirada dhibaatada la soo gaadhsiiyey mishiinka biyaha ee beertaas iyo qaybo ka mida dhirtii oo la googooyey.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Raxanreeb-Hargeysa

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles