Muqdisho(RBC Radio) Wariye Max’ed Cali Nuxurkey oo ka tirsan wariyaasha ka hawlgalada idaacadaha Maxalliga ah ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray qaraxii ismiidaamin ee maanta ka dhacay afaafka hore ee xaafada Ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho wariyaha oo dhaawac ahaan loogu qaaday Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa ugu danbeynbtii u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray qaraxa.
Meydka Marxuum Max’ed Cali Nuxurkey ayaa wali yaala Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo uu ku geeriyooday wariyaha ayaa qayb ka noqonaya wariyaal badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo si xaqdarro ah loogu dilay qaraxyada sidan oo kalaa iyo dilal qorsheysan oo lagu ugaarsado saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Maamulka Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho oo uu wariyaha dhintay ka ahaa Barnaamij soo saare ayaa xaqiijiyey geerida wariye Max’ed Cali Nuxurkey alle ha u raxmadee,waxayna alle uga baryeen inuu u naxariista iyagoona eheladiisa alle uga baryay inuu ka samir siiyo.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho