Muqdisho{RBC Radio} Alshabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkii ka dhacay deegaanka Galma-gala ee gobolka Waqooyiga bari ee dalka Kenya ayaa faah faahin ka bixiyey weerarkaas,afhayeenka dhanka hawlgallada u qaabilsan alshabaab SH C/casiis Abu Muscab oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa sheegay iney ka masuul ka ahaayeen weerarka lagu qaaday deegaanka Galma-gala ee gudaha dalka Kenya.
SH C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in ciidan ka tirsan alshabaab ay dagaal ku qaadeen deegaanka Galma-gala oo ka tirsan gobolka Soomaalidu dagto ee waqooyi bari Kenya,wuxuuna sheegay in halkaas uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Kenya ee goobta ku sugnaa iyo ciidankii alshabaab ee dagaalka ku qaaday, SH C/casiis ayaa tibaaxay in markii dagaalku uu socday muddo 30 daqiiqo ah ay jabiyeen ciidankii Kenya isla markaane ay gabi ahaanba la wareegeen Saldhigii ciidanka Kenya .
Afhayeenka ayaa sheegay iney dagaalkaas khasaaro lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamaa Kenya sida uu sheegay,wuxuuna tilmaamay iney dagaalka ku dileen 5 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya hubkii ay wateene ay ka furteen,wuxuuna intaa raaciyey iney goobta ka qaateen dhammaan agabkii ciidan ee yaallay.
Abu Muscab ayaa ku nuuxnuuxsaday iney dagaalkaas guul ka gaareen,deegaanka uu dagaalku ka dhacay ee Galma-gala ayaa qiyaastii 55 Km u jira Xuduudka kala qaybiya wadada Soomaaliya iyo Kenya,alshabaab ayaa hore u weeraray deegaanka dhamaajaaley halkaas oo ay ku laayeen askar iyo shacab Kenyan ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya ayaa waxaa lagu caddeeyey in deegaanka Galma-gala lagu weeraray ciidanka Kenya halkaasne lagu dilay 4 Sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliska dalkaasi.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho