Muqdisho{RBC Radio} Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed SH Cismaan Jawaari iyo waftigii uu hogaaminayey ee maalmahan socdaalka shaqo ku joogay dalka Uganda ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalaa Muqdisho ee caasimadda dalka.
Gudoomiyaha iyo waftiga uu hogaaminayey ayaa waxaa garoonka si diiran ugu soo dhaweeyey xubno ka tirsan gudiyada baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka,gudoomiyaha ayaa warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde wuxuuna ka warbixiyey safarkii uu ku tagay dalka Uganda iyo kulamadii uu lasoo qaatay madaxda dalkaas.
Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya MAxamed SH Cismaan Jawaari ayaa sheegay inuu guul kusoo dhammaaday socdaalkii uu ku tagay dalka Uganda,wuxuuna tilmaamay iney heshiis lagu mataanaynayo soo kala sixiixdeen baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda,Jawaari ayaa xusay in heshiiskaas ay qayb ka tahay in baarlamaanka dalka Uganda uu bixiyo tababaro la siinayo xildhibaanada iyo shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya.
Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa tibaaxay in heshiiska ay wada gaareen baarlamaanada Soomaaliya iyo Uganda dhawaan la hirgalinayo,wuxuuna dhanka kale ka ka warbixiyey kulan uu la qaatay madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni.
Maxamed SH Cismaan Jawaari gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney ka wada hadleen maaxweynaha dalka Uganda arimaha labada dal iyo sidii loo joogteyn lahaa xiriirka ay wadaagaan labada dowladoo.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Kampala ee caasimadda dalkaas wuxuuna kulan sidoo kale la qaatay Jaaliyaa iyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalkaas kuwaas oo gudoomiyaha hor dhigay su’aalo dhowr ah.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho