Faafi{RBC Radio} Xildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka dalka Kenya ee laga soo doorto gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa sheegay in weerarkii alshabaab ay ku qaadeen deegaanka Galma-gala loola dan lahaa in isaga iyo dad la socday lagu waxyeeleeyo.
Xildhibaanka Ilyaas Barre oo la hadlayey warbaahinta ayaa daboolka ka qaaday inuu rumaysan yahay in weerarkla alshabaab ay ka geysteen deegaankaas uu ahaa mid la doonayey in isaga lagu khaarajiyo ,wuxuuna tilmaamay in isaga iyo wafti uu hogaaminayey ay daqiiqado ka hor ka ambabexeen deegaankaas ka hor inta aysan alshabaab gacanta ku dhigin.
Ilyaas Barre Shiil ayaa nasiib darro ku tilmaamay dadkii dagaalkaas ku dhintay oo sida uu sheegay ay ka mid ahaayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan,wuxuuna ku eedeeyey alshabaab iney ka danbeeyeen weerarkaas.
Xildhibaan ayaa sheegay tilmaamay in isaga iyo dadkii la socday ee ka ambabaxay deegaanka Galma-gala ay gaareen Faafi,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in weerarkaas la damacsanaa in isaga lagu dilo balse uu ka babaaday.
Afhayeenka dhanka hawlgallada u qaabilsan alshabaab SH C/casiis Abu Muscab ayaa warbaahinta ka sheegay in alshabaab ay ka danbeeyeen weerarkaas inkasta oo uusan sheegin cid gaara oo ay ku bartilmaameedsanayeen.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho