Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay amniga Caasimadda Muqdisho

$
0
0

tarMuqdisho[RBC Radio} Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo hadal ka jeediyey kulan looga hadlayey amniga magaalada Muqdisho ayaa ku dheeraaday ahmiyada sugida amniga iyo sida loo xaqiijin karo nabadgalyada caasimadda ,wuxuuna sheegay in degmo walba laga rabo in ay sugto amnigeeda kalana kaashato Bulshada si loo helo amni buuxa oo ka hirgala caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa xusay in loo baahan yahay in  saldhigyada magaalada Muqdisho laga hirgaliyo  Taleefoono ay dadku kala soo xariiri karaan markay arkaan dad ku howlan dhibaataynta Bulshada Soomaaliyeed iyo carqaladaynta amniga magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan  ayaa ku goodiyay in qofkii lagu ogaado in uu ka tirsanyahay ama gacansaar la leeyaha alshabaab inaan lasii dayn doonin  ayna marsiin doonaan jid ay ku waano qaataan kuwa kale ee lashaqeeya alshabaab sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale godoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in ay goor dhow magaalada Muqdisho ku qaban doonaan ruwaayad looga hadli doono xaalada dhabta ah ee ka jirta magaalada Muqdisho,taasoo ka hadlaysa wacyiga Muqdisho oo uu hal abuuray  Abwaan Sangub oo kamid ah Abwaanada ugu caansan dalkeena  Soomaaliya.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa si kulul uga hadlay askarta hubka ku dhexqaata magaalada,wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay iney suuqyada dhex wareegaan rag hub sita isla markaane aan ku labisneen dirayska ciidamada.

Tarsan ayaa Carrabka ku adkeeyey in ciddii lagu arkayo iyada oo hab nuucaas ah u dhaqmaysa in loo aqoonsan doono alshabaab iyo dadka qaska ka wada magaalada tallaab adagne laga qaadi doono sida uu sheegay.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles