Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha maamulka Jubbaland iyo wafti u hoggaaminayo oo maantey u dhoofay Addis-Ababa

$
0
0
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa ka an ba-baxdey diyaarad sidey madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)waxana safirkiisa ku waheliyey illaa 13-xubno oo kawadda tirsan maamulka iyo urur goboleedka IGAD.

Xubnaha safarka ku waheliyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe waxaa ka mid ah Prof Gaandi,Cumar Cabdirashiid, Gabre,Shawe David Karanja oo kawada tirsan Jubbaland iyo IGAD.

Socdaalka madaxweyne Axmed Madoobe uu ku aadey magaaladda Addis-Ababa ayaa la xiriirta sidii loo si anba qaadi laha wada hadaladda dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland oo arrimo dhow ah xiligaan isku diidan.

Wada hadalkaan lugu wado inuu dhawan ka furmo magaaladda Addis-Ababa ayaa noqonaya wajgii labad ee wadda xaajodka u dhaxeeya maamulka Jubbaland iyo dowladda faderaalka Soomaaliya,waxana is aragii hore ee labada dhinac ay isla garteen in la sii wado is hor- imaatinka u dhaxeeya dowladda iyo Jubbaland.

Magaaladda Addis-Ababa waxaa xiligaan kusugan wafti kale oo katirsan maamulka Jubbaland,waxana waftiga qeyb ka ah madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag),iyadoona ay waheliyeen xubno ay ka mid yihiin Cabdi Cali Raage iyo General Darwiish.

Sidoo kale wararka hoose ee ay helayso shabakada Raxanreeb.com ayaa sheegaya in isbadal lugu sameeyey xubnihii wada hadalka uga qeyb gali laha dowladda faderaalka,lamana magacaabin xubnaha ka qeyb galaya.

Waftiga dowladda ee wada xaajoodka Jubbaland ay lagayaan ka qeyb galaya waxaa la xaqiijiyey inuu ka mid yahay Faarax Cabdiqaadir oo ah wasiiru dowlaha Madaxtooyadda.

Wixii war ah ee la xiriira kulamada wada hadalk ah ee dhex mari doona dowladda faderaalka iyo maamulka Jubbaland kala soco Raxanreeb.com

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles