Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Masuuliyin uu horsocdo wasiir ku-xigeenka maaliyadda DFS oo maamulka Galmudug kala shirey qorsha la horgeendono shirka Brussels

$
0
0
Magaaladda Gaalkacyo

Magaaladda Gaalkacyo

Gaalkacyo[RBC Radio]Magaaladda Gaalkacyo gaar ahaan koonfurteda oo ay ka arrimiso maamulka Galmudug waxaa kusugan wafti oo hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda dowladda faderaalka Soomaaliya Abuukar Cabdi Ibraahim,waxana uu kulamo laqaatey xubno ka mid ah masuuliyinta Galmudug.

Waftigaan oo Gaalkacyo soo garey galinkii danbe ee shalay ayaa waxaa kulamo la qaaten,xiligaana kulamo kale la leeyihiin ururadda bulshada iyo madaxda maamulka Galmudug.

Wasiir ku-xigeen wasaaradda maaliyadda Puntland Abuukar Cabdi Ibraahim oo maantey ka hadley ujeedkoda socdal ay ku yimaaden Gaalkacyo ayaa waxaa uu ku sheegey inuu quseeyo imaatin kooda sidii maamulka Galmudug ay wax ugu ogan lahaayen qorshaha dowladda faderaalka ay la tagi doonto shirka New Deal-ka iyo sidoo kale qorshaha ka dagan shirarka lugu qabanayo Brussels bisha soo socota.

Waftigaan oo ay qeyb ka yihiin xubno xildhibaano ah ayaa waxaa ay la shireen masuuliyin uu ka mid yahay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug, C/samad Nuur Guuleed,iyagoona isla soo qadey arrimo dhor ah oo la sheegey inay isla garteen.

Waftigaan ayaa sidoo kale la sheegey inay tagi doonan magaaladda Garoowe ee xarunta dowladda Puntland halkaaso la sheegey inay ugu socdaan sidii Puntland loogu qancin laha shirka Brussels iyo qorsha yaasha dowladdu waddo.

Puntland horey waxay u sheegtey inaysan ka qeyb gali doonin shirka Brussels haddii aysan ku hadleen afkooda oo aysan cidkale dhageysan waxaa ay kusoo qaden shirka.

Shirka Brussels ayaa la sheegey in looga hadli doono kobcinta iyo horumarinta gobollada Soomaaliya waxan ka soo qeyb gali doonaa hay’addo caalami ah iyo dowladdaha daneya arrimaha Soomaaliya.

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles