Hargeysa[RBC Radio]Waxaa dib xayiraaddii looga qaaday wargeyska Hubaal oo ka mid wargeysyada ka soo baxa Somaliland,kaaso muddo an wax shaqo ah qaban.
Xayiraadan laga qaadey wargeyska Hubaal ayaa waxaa feer feer socotayeey cafis loo fidiyey guddoomiyaha wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo tifaftiraha wargeyskaas M. Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef).
Arrintaan ayaa timid kadib markii madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay kasoobaxdey cafimska iyo xayiraadda wargeyska laga qaadey.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in uu cafis u fidiyay wargeyska iyo shaqaalihiisa, isla markaana ay si xorriyad ku jirto u howl gali karaan mar kale,howlahooda shaqana ay dib ubilaabi karaan.
…”"”Maanta waxii laga bilaabo waxaad dib ubilabi kartaan howlihiini shaqo,waxadna ku shaqeen doonta si xorriyad ku jirto..”"ayuu yiri Siilaanyo.
Cafiskaan iyo xayiraada wargeyska laga qaadey waxay ka danbeysey kadib markii maxkamadda Hargeysa 21 June 2013 xayirtay wargeyska Hubaal, iyadoo 3 July 2013 maxkamaddu guddoomiyaha wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo ganaax dhan hal milyan oo shillinka.
Sidoo kale waxaa isna xukun lugu ridey tifatiraha wargeyska Hubaal Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef)waxaana lugu xukumay laba sanno oo xadhig ah iyo ganaax dhan 2 milyan oo shillinka Somaliland,in kastoo 4 July 2013 maxkamadda racfaanka Hargeysa ku sii daysay damaanad.
Xariga iyo xayiraada wargeyska ayaa buuq xoogan muddadan ka dhex dhaliyey saxaafadda Soomaaliland iyo madaxda maamulka.
___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo