Garoowe RBC RADIO Buugaagtan oo lagu soo daabacay Diiwaanka Ganacsiga Puntland iyo Hagaha Maalgashiga Puntland ayaa daahfurkiisa wuxuu ka dhacay Magaalada Garoowe waxaana kasoo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Madax ka tirsan Isla Rugta Ganacsiga Puntland waxaa kaloo kulankaasi lagu casumay Maamulada Jaamacadaha, Xarumaha Gancsiga iyo Marti sharaf kale.
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culumadii Madasha ka hadashay ahna Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Faraceeda Garoowe wuxuu sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay ka marin habaabeen in ay Maal Gashadaan Ganacsigooda kana shaqeeyaan hormarka Dalkooda wuxuuna sheekhu Cabsi ka muujiyay Shirarka la sheego in Soomaalida lagu Maalgelinayo isagoo taa bedelkeed ku baaqay in Ganacsiga dalka Xooga la saaro, Talaabo wacan ayuu ku tilmaamay dhanka kale Bugaagta Qiimaha leh oo ay soo diyaariyeen Masuuliyiinta Rugra Ganacsiga Puntland.
Siciid Xuseen Ciid oo ah Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland oo madasha ka hadlay wuxuu sheegay in Buugaagtan looga gol-leeyahay in lagu soo gudbiyo xogaha Maalgashiga Puntland si loo ogaado in dalku leeyahay Goobo badan oo la maalgashan karo,wuxuu u mahadceliyay cid kasta oo qayb ka ah hirgelinta Buugan isagoo ku tilmaamay Buugaagtan in ay yihiin kuwo lagu Xayeysiinayo Shirkadaha iyo Goobaha kale ee Ganacsiga ee Deegaanada Puntland ka jira wuxuuna Balan qaaday in ay sii wadi doonaan dadaalada ku aadan arimaha Ganacsiga dalka.
Cali Axmed Gamuute Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Buugaagtaasi daahfuray hirgelintooda wuxuu sheegay in 5000 oo xarumood ay diiwaan gashan yihiin dhanka Ganacsiga ayna aad u yaryihiin marka la eego inta ku daabacan Buugaagta taasi oo cadeyneysa buu yiri in Ganacsatadu aysan u bisleen dhiiri gelinta ganacsiga Puntland wuxuuna taa bedelkeed ku baaqay in Ganacsatadu ka qayb qaataan Diiwaanka Ganacsiga Puntland,Wuxuu kaloo Wasiirku xusay in Puntland ay Nabdoontahay Soomalina ay ehel u tahay sidaa darteedna ay u furan tahay Qof kasta oo ka Ganacsi iyo Maalgashi doonaya Gacmo furanna lagu soo dhaweynayo.
Qofkii Akhrista Buugaagtan wuxuu si fudud u helayaa hadba Goobta Ganacsi ee uu doonayo hadii ay ahaan-lahayd Goob Gancsi Shirkado,goobaha lagu xanaaneeyo Xoolaha, Beeraha ,Shirkadaha isgaarsiinta, iyo kuwa Bagaashka & goobo badan oo tiro beel ah, wuxuu kaloo qofkaasi wax ka baranayaa sida uu ku socdo Ganacsiga Puntland iyo wixii kusoo kordhay Sanadihii ugu dambeeyey,Hirgelinta Barnaamijkan waxaa iska kaashaday Hay’ada TIDES iyo Rugta Ganacsiga waxaana Fangareeyey Hay’ada USIAD.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.