Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xubno kasocdda wasaaraddaha gaashaandhigga dalalka ku mideysan barriga Afrika oo ka shirey sidii la isaga kashan lahaa ammaanka

$
0
0
Magaaladda Nairobi oo ay madaxdu ku shireen

Magaaladda Nairobi oo ay madaxdu ku shireen

Nairobi[RBC Radio]Shir ka furmay magaaladda caasimad ah ee Nairobi ayaa waxaa isugu yimiid wasiiradda gaashaandhigga ee dalalka ku mideysan barriga Afrika,waxana ay isla so qaden jidka loo qaadi karo ammaanka dalalka Afrikadda barri.

Shirkaan waxaa ka soo qeyb galey Somali, Djibouti, Ethiopia, Sudan, the Comoros, Eritrea, Rwanda, Madagascar, Kenya iyo the Seychelles,waxana dalaalka kasocdey masuuliyin katirsan wasaaraddaha gaashaandhigga.

Shirkaan ayaa la caddeyey in arrimaha laga hadley ay qeyb ka ahaayen sidii la isaga kashan laha ammaanka gobollada dalalka barriga Afrika,waxna la isla gartey in xiriir laga yeesho khatar kasta oo wax u dhimi karta ammaan dalalka gobolka.

Xubnihii kasocdery wasaaraddaha gaashaandhigga oo qar kood wasiiro ay ahaayen ayaa diirada ku sarey wada hadalkooda ammaanka guud ee gobolka iyo sidii la isula xiriir lahaa,lana isaga kaashan laha khatarkasta oo ka timaada kooxa ka soo hor jeeda xasilooni ka dhalata gobollada.

Madaxdii shirkaan kasoo qeyb gashey waxaa ay bogaadiyeen howlgallka Soomaaliya kasocda ee ay wadaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM kuwaaso dagaal kula jira kooxda dowladda ka soo horjeeda ee al-Shabaab,waxaa sidoo kale ay sheegen madaxda in loo bahan yahay in guud ahanba uu dalka gacanta ugalo dowladda si xukun keeda uu u baaho.

Madaxda gobolka iyo saraakiil ka socda midowga Afrika waxay ku baaqeen in lala socodsiiyo caalamka taageerada loo baahan yahay ee la xiriirta wada-shaqeynta, waxaa lagu cel-celiyey in ay muhiim tahay in dhexda loo xirto in laga shaqeeyo amaanka gobolka oo idil.

Kulan kaan ay isugu yimaaden masuuliyin kasocdey wasaaraddaha gaashaandhigga ee dalalka ku yaala barriga Afrika ayaa qeyb ka ah,kulamo lugu doonayo inay wada shaqeen dhow yeeshan dalalka ku yaala barriga Afrika.

___________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles