Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

WARARKII UGU DAMBEEYAY + SAWIRO: Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Xildhibaan Ka Hadlay Qaraxa Maanta; Booliska oo Ka Aamusay

$
0
0

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, Warsame Joodax.

Muqdisho (RBC) Faahfaaino dheeraad ah ayaa markasta ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo loo adeegsaday baabuur noociisu ahaa TOYOTO SURF kaasoo maanta duhurnimadii ka dhacay afaafka hore ee guriga Fiyoorayaasha oo ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Goordhow waxaa qaraxa faahfaahin ka bixiyey guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka ee gobolka Banaadir Warsame Maxamed (Warsane Joodax) oo ka mid ahaa masuuliyiin goobta qaraxu ka dhacay soo gaaray.

Guddoomiye ku xigeenky wuxuu qaraxa ku eedeeyay inay ka dambeyso kooxda Al Shabaab oo uu sheegay inay ku jiraan xaalad nafla caarinimo ah isla markaana ay rabaan inay dadka isu muujiyaan inay weli awood leeyihiin.

Warsame Joodax wuxuu kaloo sheegay in illaa hadda tirada khasaaraha dhimasho uu dhan yahay lix ruux, iyo dhaawac toban ku dhow, walow uu ka gaabsaday inuu ka hadlo dhaawaca taliyihii nabadsugida gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg oo ku dhaawacmay qaraxa maanta oo la aaminsan yahay inuu isagu ahaa bartilmaameedka weerarka.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir wuxuu sheegay in goobta ay ka wadaan baaritaan, dadkii waxyeeladu gaartayna loo daadgureeyay isbitaalada.

Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah guddiga amaanka ee baarlamaanka wuxuu isaguna sheegay inuu indhihiisa ku arkay lix ruux oo dhintay oo labo ka midd ah laga soo dhex qaaday maqaayad ay fadhiyeen oo qaraxu ugu tagay.

Waxaa dhaawacyada ku jira arday iskuul kasoo laabatay oo saarneyd baabuur wadada marayey kaasoo qaraxa la kulmay guud ahaana baabuurkoodu uu ku burburay qaraxa ismiidaaminta ah.

Xildhibaan Jeesow wuxuu dadka reer Muqdisho xusuusiyey inay amaanka gacan ka geystaan, soona sheegaan kooxaha qaraxyada wada markay arkaan si buu yiri khasaaruhu u yaraado haddiiba ay dhacdo in la qabto.

“Al Shabaab way jabtay, midna ogaada nimankii magaalada laga saaray oo baadiyaha ku jiray, xilli kulul ayaa lagu jiraa markii ay kuleylka u adkeysan waayeen ayay magaalada ku soo laabteen.” ayuu sii raaciyey xildhibaanka oo ka digay in Al Shabaab aysan weli ka bixin Muqdisho.

Dad gurmad ah oo burburka dhismayaasha ka raadinaya meydad.

Booliska oo aamusay

Waxaa intii saraakiisha gobolka Banaadir iyo xildhibaanka hadlayeen goobta yimid afhayeenka booliska Jen. C/laahi Xasan Bariise ahna madaxa dembibaarista gobolka Banaadir, hase yeeshee wax hadal ah kama dhihin qaraxa maanta khasaaraha geystay.

Sidoo kale saraakiisha kale ee booliska iyo kuwa nabadsugida ayaan illaa hadda war kasoo saarin nooca qaraxa iyo khasaaraha uu geystay.

Baabuur BL ah oo dadweyne arday ay ku jireen ay saarnaayeen oo ku gubtay qaraxa.

Hawlo nadiifin ah ayaa ka socda goobta qaraxu ka dhacay oo ku taalla bannaanka hore ee dhismaha Ex Fiyoore oo ay degan yihiin qaar ka mid ah fannaaniinta Waaberi iyo dad barakacayaal ah, waxayna dhowr mitir kaliya u jirtaa wadada laga galo xarunta madaxtooyada, iyadoo dhanka kalana ay ku dhowdahay maqaayada the Village iyo Golaha Murtida iyo Madadaalada oo dhowr bilood ka hor qaraxyo kale ka dheceen.

Baabuurkii loo adeegsaday ismiidaaminta maanta ka dhacday xarunta Ex Fiyoore.

Dhanka kale kooxda Al Shabaab ayaa war ay ku soo qireen bogaggooda internetka waxay ku sheegteen inay iyaga ka dambeeyeen weerarka ismiidaaminta ah oo ay sheegeen inay la heleen hadafkooda.

Meydka qof loo maleynayo inuu wadada marayey oo qaraxu haleelay.

Waxa uu qaraxan noqonayaa midkii ugu khasaaraha ee ismiidaamin baabuur loo adeegsado ee ka dhaca Muqdisho tan iyo markii la doortay dawlada cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh lix bilood ka hor.

 

Meydka qof ku geeriyooday qaraxa oo la sido.

 

Baabuurkii isqarxiyey oo holaciisa la deminayo.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

_______________________________
Sawirqaade: Cabduqaadir Cali Nuur

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles