Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska Booliska Degmada Xamar-weyne oo ka warbixiyey Sarkaal Xalay degmadaas ku toogtay Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda

$
0
0

muq kkkkkkTaliska Saldhigga booliska degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey  Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada booliska ka hawlgala saldhigga booliska ee Afar-irdoodka degmada X/weyne ee gobolka Banaadir.

Taliyaha saldhigga Afar-irdood ee degmada Xamar-weyne Maxamed daahir ayaa tafaasiil ka bixiyey Col. ka tirsan ciidamada Milateriga dowladda federaalka Soomaaliya oo xalay Maqribkii agagaarka Saldhigga ku toogtay Askari ka tirsanaa booliska Saldhigga Xamar-weyne.

Taliyaha saldhigga ayaa sheegay iney gacanta ku hayaan Sarkaalkii dilka geystay,Meydka askarigii la dilay iyo hubkii dilka lagu geystay oo dhammaantood uu sheegay iney ku hayaan saldhigga Afar-irdood,wuxuuna tilmaamay iney wadaan baaritaano la xiriira sababta keentay in Sarkaalkani uu si bareer ah u toogto askarigan ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxamed Daahir ayaa tilmaamay iney wadaan Su’aalo ay weydiinayaan sarkaalkan,wuxuuna tilmaamay in marka ay soo gabagabeeyaan baaritaanka ay ku hayaan ay warbaahinta usoo bandhigi oonaan waxa kasoo baxa baaritaankooda xiligaasne la kala ogaan doono sababta keentay in sarkaalku uu toogto askariga.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa hore wacad ugu martay in tiirka la geyn doono askarigii askari kale ama ruux shacab ah dil u geysta arintaas oo si weyn hoos ugu dhigtay dilalkii ay geysan jireen ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdosho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles