Muqdisho (RBC) Habeenimadii Sabtida ayaa waxaa markii ugu horreysay kulan fool ka fool ah wada yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawlada federaalka Soomaaliya, odayaal dhaqameed, xubno xildhibaano ah iyo Sheekh Xasan Daahir Aweys oo horey uga tirsanaa ururka Al Shabaab, haddana gacanta dawlada kujira.
Kulankan ayaa waxaa uu ka dhacay hoyga guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Gen Mungaab oo ku dhow xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa waxaa dhinaca dawlada uga qeybgalay wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Gen Xasan Xuseen Mungaab, xubno saraakiil ah oo ka tirsan nabadsugida, xafiiska madaxweynaha halka dhinaca kale ee Xasn Daahir ay ka socdeen Xasan Daahir Aweys laftiisa iyo odayaal ay isku beel yihiin oo uu ka mid yahay Axmed Diiriye Cali.
Kulankan oo qaatay in ka badan lix saacadood ayaa waxaa si aad ah looga dooday qaabka loo siidaynayo Xasan Daahir Aweys oo ku jira liiska caalamka ee ururada argagixisada, sidoo kalana looga saari lahaa fikaradihii uu taageeri jiray wadaadka ka hor inta uusan ka soo goosan kooxda Al Shabaab.
Sida ay Raxanreeb u sheegeen xubno ka qeybgalay kulanka waxaa markii hore la isku mari waayey shuruudo ay dawladu soo bandhigtay oo ku saabsanaa siidayngta Xasan Daahir Aweys, Waxaana ka mid ahaa;-
1- In Xasan Daahir uu caddeeyo saxaafaddana u sheego inuu isaga baxay Al Shabaab iyo Al Qaacida, uuna cambaareeyo falalkooda.
2- In Xasan Daahir uu aqbalo in Soomaaliya ay tahay qaran buuxa, uuna aqoonsado dawlada federaalka ah.
3- In Xasan Daahir uu meel idka dhigo fikradaha dagaalka ku saleysan ee Al Shabaab iyo Al Qaacida, haddii uu siyaasad rabana ku wajaho hab nabadeed.
Ilo wareedyada waxay sheegayaan in dawladu ay sidoo kale keentay shuruudo kale oo ku aadan weeraradii qaraxyada iyo dilalka ahaa ee ay Al Shabaab ka fulisay Soomaaliya, iyo cida iska leh masuuliyadooda, hase yeeshee dood dheer kadib qodobada qaarkood ayaa wax laga bedelay.
Waxaa markii dambe qodobada lagu soo koobay saddex waaweyn oo kala ah;-
1- In Xasan Daahir uu beri [dhinac] ka noqdo Al Shabaab iyo Al Qaacida.
2- In Xasan Daahir uu siyaasadiisa nabad ku wajaho.
3- In Xasan Daahir aqoonsado qaranimada Soomaaliya.
Markii qodobadan lagu soo koobay shuruudaha ayaa Xasan Daahir Aweys oo kulanka ka qeybgalay wuxuu weydiistay in waqti la siiyo si uu uga soo fekero waxa uu ka yeelayo qodobada loo keenay, waxaana dib loogu celiyey xabsigii uu ku jiray oo ah xarunta nabadsugida ee magaalada Muqdisho halkaasoo lagu hayey tan iyo maalintii la keenay Muqdisho.
Xasan iyo mowqifkiisa
Mid ka mid ah xubnaha ay qaraabada dhow yihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa Raxanreeb u xaqiijiyey in wadaadku aqbalsan yahay jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliya balse uu u sheegay inuu mucaaradsan yahay dawlada federaalka ah, taasoo uu ku tilmaamay dawlad “gaalada daba dhilif u ah” sida uu sheegay.
Waxa kaloo uu Xasan ogolaaday, suda uu ninkani sheegayo inuu ka horjeesto fikradaha Al Qaacida iyo Al Shabaab, hase yeeshee ma cadda qaabka uu saxaafadda ugu cadeyn doono, haddiiba uu aqbalo in Xasan Daahir uu warbaahinta horistaago uuna qirto inuu ka baxay Al Shabaab.
Waxaa hadda loo baalansan yahay in kulamo kale ay dhacaan, inta uu Xasan Daahir Aweys kasoo fakaro qodobada shuruudaha ee loo dhiibay, waana markii ugu horreysay oo kulan toos ah uu dhexmaro Aweys iyo masuuliyiin dawlada ah inkastoo uu ku jiro xabsi dawladu leedahay, su’aalana lagu weydiiyey mudaduu xirnaa.
Malyuun Cali
RBC Radio