Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Raysul Wasaare Saacid: Siyaasiga Mucaaradka ah Waxaa Laga Doonayaa In Waxa uu Ku Hadlayo Ay Cadeymo Leeyihiin

Image may be NSFW.
Clik here to view.
RW-Saacid
Muqdisho (RBC) Raysul wasaaraha dawlada federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa si kulul uga jawaabay eedeymo xukuumadiisa beryahan dambe ay u soo jeedinayeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan dibadaha.

Raysul wasaare Saacid oo ka hadlayey eedeymaha loo jeedinayo xukuumadda iyo hadalada siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sheegay in siyaasiyiinta ay wax mucaaradi karaan balse loo baahan yahay in ay keenaan eedeymo raad leh.

“Maxuma in Siyaasugu wax mucaarado, hadane ma wanaagsana in siyaasigu wax walba oo uu is leeyahay qof kale wax ugu dhin uu isaga hadlo taasoo laga yaabo in isaga ay dib ugu soo laabato sharaftiisana wax u dhimto inta uusan qof kale wax u dhimin” ayuu yiri raysul wasaare Saacid oo saaka bartiisa Facebook kula hadlay dadweynaha.

Raysul wasaaruhu wuxuu sheegay in siyaasiga haddii uu wax mucaaradayo looga baahnaa inay adeegsadaan cadeymo iyo wax leh tixraac.

“Siyaasiga mucaaradka ah waxaa laga doonayaa in waxa uu ku hadlayo ay cadeeymo leeyihiin, mucaaradadiisuna ay runta ku qotonto” ayuu sii raaciyey raysul wasaare Saacid hadalkiisa.

Hadalka raysul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli ay dhowaan warbaahinta ku soo laalaabteen xubno siyaasiyiin ah oo qaarkood horey dalka xilal uga soo qabteen kuwaasoo eedeymo kala duwan u soo jeediyey xukuumadda federaalka Soomaaliya.

 

RBC Radio
Xafiiska wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20140

Trending Articles