Clik here to view.

Prof Axmad Ismaaciil Samatar
Minneapolis (RBC Radio) Warsaxaafadeed Raxanreeb.com goor dhaweyd soo gaaray ayaa waxa uu tibaaxayaa in Prof Axmed Ismaaciil Samatar laga saaray Xisbigii uu wax ka aasaasay ee Hiil Qaran.
War Murtiyedkaan jkasoo baxay hogaanka sare ee Xisbiga Hiil Qaran ayaa lagu sheegay in Mudane Prof Axmed si iskiis uu u dalbaday in uu ka baxo Xisbiga Hiil Qaran.
“Kaddib hungadii doorashada Prof. Ahmed wuxuu aaday Hargeysa markii uu ka soo noqadayna wuxuu noo soo gudbiyey istqaaladii xubinimadiisa, xisbiguna waa ka aqbalay”
Halkaan hoose ka akhriso War Murtiyedka kasoo baxay Xisbiga Hiil Qaran
HIIL QARAN
GUDDOONKA SARE (THE CORE)
WAR MURTIYEED
WAR- MURTIYEED ka so baxay hoggaanka sare ee XISBIGA HIIL QARAN kuna saabbsan xubinnimada Prof. AHMED ISMAIL SAMATAR
CIID WAANAAGSAN DHAMMAN UMMADDA SOOMAALIYEED MEEL KASTA HA JOOGTEE
Hoggaanka sare (THE CORE) Xisbiga Hiil Qaran wuxuu halkaan ku wargelinayaa dhammaan XUBNAHA XISBIGA HQ, taageerayaashiisa iyo dhammaan shacbi weynaha Somaaliyeed uguna caddeynayaa in Prof. Ahmed Ismaiil Samatar uu ka baxay Xisbiga Hiil Qaran. Ugu horreyntii waxaan rabnaa in aan caddeyno in Prof. Ahmed Samatar uusan horay uga tirsanaan jirin hoggaanka sare (THE CORE)ee Xisbiga, haseyeeshe wuxuu ahaa xubin firfircoon, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii wax ka asaasay Xisbiga.
Xisbigu wuxuu u sharraxay Prof. Ahmed Samatar in uu u tartamo doorshadii 2012 ee madaxweynanimada Soomaaliye , taas oo uusan ku guuleysan sida aan wada ognahay. Kaddib hungadii doorashada Prof. Ahmed wuxuu aaday Hargeysa markii uu ka soo noqadayna wuxuu noo soo gudbiyey istqaaladii xubinimadiisa, xisbiguna waa ka aqbalay.
Haddaba xisbigaan waxaa loo asaasay sidii ummadda Soomalidu looga samatabixin lahaa duruufaha cakiran ee dalka ka jira, taas oo ah mid ka goán xisbiga inuu ka dhabeeyo.
Geediga dheer oo lagu doonaayo in lagu xaqiijiyo ahdaafta Xisbiga (Islaamnim – Somaalinimo), qof iyo tiro yar oo ka hartay u dhutinmaayo una dhimanmaayo xisbigu, waana naga goa’ntahay in aan sidoodii u wadno howlaha na-horyaal ee xisbiga .
Geediga wuu soconayaa …
Wassalaama Calaykum
Ibrahim Macallim Mursal
Guddoomiyaha Hoggaanka Sare
Xisbiga Hiil Qaran
_________-
Waxaa