Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Tvga Qaranka Soomaliya oo Puntland laga mamnuucay maxay tahay Sababtu?

$
0
0

somali-national-tvGaroowe (RBC RADIO) Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Warfaainta Isgaarsiinta hidaha iyo dhaqanka Puntland ayaa shaqadii looga Joojiyay Xafiisyadii uu Tvga Qaranka Soomaliya ku lahaa Deegaanada Puntland Sababo lala Xiriirshay Tuhun aan la shaacin oo Wasaaradu ka qaaday sida uu Tvgu uga hawl galo Deegaanada Puntland si toos ahse looma cadayn sababaha keenay in SNTV laga joojiyo ka hawlgalida Deegaanada Puntland.

Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Sheekh Jaamac ayaa waxaa ku qoran in inta warar la helay laga sal-gaarayo 10 maalin shaqada laga joojiyay dhamaan Xarumaha uu ka hawl galo Tvga Qaranka Soomaaliyeed iyadoo ogaysiin la siiyay Laamaha Amniga Madaxtooyada iyo Goobaha kale ay quseyso Qoraalkana laguma xusin haba yaraatee sabab cad oo Tvga Shaqada looga joojiyay waxaana Qoraalka lagu cadeeyey in dib Wasaaradu kasoo saari doonto Go’aan cad oo arimahaasi la xiriira.

Inkastoo Wasaaradu Carabaabin Waxa ay ku Qoonsatay TVga Qaranka hadana wararka qaarkii ayaa waxay sheegayaan in Xukuumada Puntland ay indhawaaleba aysan u bogsaneyn habka uu Deegaanada Puntland uga hawlgalo TVga oo lagu tilmaamay mid gaabis ah iyadoo aan laga sii dayn wararka lidiga ku ah Dowlada Federaalka ee Madaxda Puntland ay Saxaafada u gudbiyaan, iyo sidoo kale wararka Hormarka la xiriira dibna loo dhigo Warka Puntland, mana jirto cabasho la xiriirta arintaas oo Dowlada Puntland ay soo saartay hadal –hayn mooyaane.

Wasaarada Warfaafinta Puntland oo dhawaan Madax Cusub loo soo magacaabay lagana filayay isbedel iyo in ay Saxaafada isu soo dhaweyso ayaa wax tar keeda ku bilowday Cadayn la’aan in ay shaqada ka joojiso Tv ka hawlgala Deegaanada Puntland mudo 10 Beri ah iyadoo aan la ogayn talaabada xigta oo ay Wasaaradu qaadi doonto.

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles