Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Biya la’aanta & habka loo maareeeyo biyaha. W/Q Cismaan Maxamuud Cali

$
0
0

Biya la’aanta & habka loo maareeeyo biyaha
Cisman maxmud cali (gooni)
caligooni_9300@hotmail.com
Agoosto 18 2013

MAQAALBiyuhu waa aasaaska jiritaanka nolosha bani’aadanka, dhirta iyo dhulka, sida meelo badanba loogu sheegay Qur’aanka kariimka ah – meeshii aan biyo laheyn, nolol ma jirto. Faa’idooyinka biyuhu u leeyihiin nolosha adduunyada, oo ah baahi-nololeed aan laga baaqsan karin, ka sokow waxaa kale oo ay sababi karaan qasaarooyin fara badan oo naf iyo maalba leh. Biyaha halkan looga hadlayo waa biyaha-macaan (freshwater), ma aha biyaha badda (seawater).

Dhibaatada dhinaca biyo-la’aanta adduunka oo ah mid maalin walba sii kordheysa ayaa waxaa nasiib darro ah in ay ku badan tahay waddamada soo koraya (developing countries), waddamada ku horumaray dhinaca warshadaha ma aha kuwa ay waqtigan xaadirka ah haysato dhibaatada biyo-yarida, ayada oo ay sabab u tahay xaaladda jawiga cimiladooda, tirada dadkooda oo aanan kor u soconin iyo teknoolajiyada ay gaareen oo xal u noqon karta dhibaatooyinka qaar.

Dunidan aynu ku nool nahay waxay maanta dhibaato biyo-yari heystaa dad lagu qiyaasay in ay la egyihiin laba bilyan oo qof, ayada oo weliba ay tiradaasi sii kordheyso sababo badan owgood, haddii aanan waxba laga qabanin. khilaafka iyo is-maandhaafka ka taagan isticmaaalka biyaha webiyada ay dalal badan wadaagaan, khilaafkaas oo sababi kara dagaal hubeysan oo ka dhex dhaca wadamadaas. Khilaafka ugu weyni wuxuu dhex maraa waddamada kore (upstream) oo ah meesha ay biyuhu ka yimaadaan iyo waddamaha hoose (downstream) oo ah meesha ay biyuhu u socdaan. Isticmaalka tiro badan oo biyo ah iyo wasaqeynta biyaha ayaa ah labo arrimood oo sii holcin kara isfahmi-waaga waddamaha ama gobolada biyahaasi wadaaga.

Baahida biyuhu waxay badatay marka uu kordhay heerka nolosha, tirada dadka iyo dhaqaalaha adduunka. Tirada dadka adduunka ee sii kordheysa ayaa ah mid asal u noqon karta in khilaaf ka dhaco kheyraadka biyaha, waayo marka ay tirada dadku kororto waxaa kordhaya baahida loo qabo biyihii lagu noolaan lahaa, kuwii beeraha lagu waraabsan lahaa, kuwii ay warshaduhu isticmaali lahaayeen, kuwii korontada laga dhalin lahaa iyo kuwii daryeeli lahaa guud ahaan degaanka. Is-afgarawaaga ka dhasha isticmaalka biyaha waxaa meelo badan looga yaqaannaa Dagaalka Buluuga ah.

Warbixino badan oo laga qoray waxyaabaha kalifi kara in dagaal dambe dhaco ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka qarniga soo socda ee 21naad uu noqon doono dagaal ka dhasha isticmaalka biyaha webiyada, haddii aanan xal loo helin, sidan waxaa yiri guddoomiye kuxigeenka Bangiga Adduunka Ismaaciil Seregaldini. Fikraddan waxaa kaloo qaba qaar ka mid ah madaxweynaaasha iyo siyaaasiyiinta caalamka iyo weliba aqoonyahanno fara badan.

Qiimaha Biyaha

Qur’aanka Kariimka ah ayaa Rabbi ku sheegay qiimaha ay biyuhu u leeyihiin dadka, dhulka iyo xoolahaba, iyo guud ahaan nolosha dunida. Wuxuuna Ilaahay yiri dhulku marka uu dhinto oo ay abaari hesho biyo la’aan darteed waxaan ku nooleynaa roob kaasoo manaafacaad u noqda dadka iyo xoolahooda. Biyuhu waxa ay gaareen qiimahooda ugu sarreeya markii uu Rabbi yiri “…waxaannu biyaha ka yeelnay/dhignay shey walba waxa uu ku noolaado…” Suuratu Anbiyaa´, aayadda 30aad. Rabbi aayad kale (Suuratu Nuur, 45) ayuu ku sheegay in noole kasta oo socda dhulka korkiisa laga abuuray biyo. Biyuhu waxa’ay ka midyihiin kheyraadka dabiiciga/rabbaaniga ah (natural resources) ee Ilaahay ku maneystay adduunkan.

Asal ahaanba, biyuhu waxa ay laf-dhabar u yihiin horumarka bulshada iyo dhaqaalaha, tayada nolosha, iyo xasiloonaanta dhaqanka iyo ilbaxnimada, ayada oo ay ilbaxnimooyinkii ugu horeeyey adduunyada ay ka bilowdeen meelo biyo leh oo ay webiyadu maraan. Biyuhu waxa ay qeyb libaax leh ka ciyaareen (welina ka ciyaaraan) warshadeyntii Yurub iyo Ameeriko, mana suurto galeyso maanta in qaran ama dal uu horumar higsado haddii ay jirto biyo yari.

Biyuhu waa badeecad aanan ganacsi geli karin sida shidaalka, waana shey aanan deeq iyo macaawino gelin sida cuntada iyo daawada. Kaalinta iyo muhiimadda ay biyuhu ku leeyihiin nolosha waxay kalifi kartaa in ay adkaato in waddamada ku yaala dhulalka qalalan ee hawada kulul ay gaaraan horumarka bulshada ee dhinaca dhaqaalaha ayada oo ay sabab u tahay kuleylka hawadooda oo xaddidaya helitaanka biyaha ay dhirta iyo dadkuba u baahan yihiin.

Caafimaad ahaan, biyuhu waa nafaqo, la’aantoodna nolosha qofka aadanaha ah ma suuro geli karto, waayo 62% jirka bani’aadanka waa biyo, tani macnaheedu waa qofka uu culeyskiisu la egyahay 50 kiilo, 31 ka mid ah waa biyo. Biyuhu waxay lagama maarmaan u yihiin dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin hab-dhiska qashinsaarka jirka iyo dheelitirka

Isirada dhaliya biya la’aanta

1. Roobkii oo aanan imaanin xiligii uu iman jiray, qasbana in abaar dhacdo (drought). .

2. Tirade dadka o korortah o kentah biyihi la haystay aan kaafin Karin dadka ku so kordhay.

3. Ku-soo-qulqulka magaalooyinka (urbanisation) ayada oo laga soo tagayo miyiga.

4. Jaridda iyo xaalufinta keymaha/dhirta (deforestation) si loo helo dhul-beereed ama dhuxul.

Hababka loo maareeyo biyaha

Sida aan soo tibaaxnay biyuhu waa hal-bowlaha nolosha bini aadamka , inay yaraadaan oo heerkoodii hore ka hoosayaan waxaa sabab u ah hadba sida dadka degaanku ula falgalaan degaankaas , jarida dhirta oo noqotay shay ummada Soomaliyeed caadeystaan waxaa ay horseeday in xadiga roobku hoos u dhoco waayo sidaan wada ogsoonayahay dhirtu wax ay ka qeyb qaadatayaa roobka oo wax ay hawada amase gibisha ( Atmosphere ) ku siidaysa biyo. Biyahaas oo kaalin weyn ka qaatay kordhiyana biyaha hawada sare kujira ee loo yaqaan Biyaha-Uumi baxa ( Water Vapor ) .

Hadaba dhirta oo lajaro wax ay horseedaa in roobku uu yaraado oo uu raago taasoo iyaduna horseeda Abaar (drought) , aafooyinkaas oo dhami waa kuwa teel teel ah oo isdaba jooga isla mar ahaantaasna isku xirin , horseedana biyuhu inay yaraadaan .

Maareynta biyaha waxaan u qeybinaynaa labo qaybood oo kala ah : mid la maareynaayo biyaha roobka oo toos looga faa’ideysanaayo iyo mid ah in la yareeyo waxkasta oo sabab u noqon kara biya la’aanta horseedi karana abaar iyo roob yari .

Soomalia waxaa roobku uu ka da’a labo xili oo kala ah Gu’ iyo Dayr labadaas xili, waxaa ka da’a guud ahaan dhulkaan oo dhan roobab qaarkood horseeda aafo dhimasho iyo waxyeelo leh khasatan degaanada ku teedan webiyada oo intabadan webiyadu ay ku butaacaan . Biyaha roobka oo intooda badan aan laga faa’ideysan sidii loo baahnaa ayaa ka mid ah arimaha mudan in aad loogu baraarugsanaado , waayo waxaa jira hab loo yaqaan “ Water Rain harvesting “ Habka maaraynta iyo kaydinta biyaha roobka oo dunida intooda badan laga isticmaalo aadna looga faa’ideysto , wadankeena waxaa uu leeyahay meelo badan oo waro ah biyuhuna fariistaan una bahan in loo maareeyo habab casri ah si biyaha looga faa’ideysto .

In ladhiso harooyin iyo galo waa weyn oo lagu kaydiyo biyaha roobka aya ah tabaha ugu wanaagsan ee looga faa’ideysan karo biyaha roobka laguna yarayn karo xadiga biya la’aanta geyigeena oo dhan .

Maareynta sheedaha biyaha “ Water shed management “ waa habab ka mid ah hababka looga faa’ideysan karo biyaha roobka waana in la habeeyo meelaha biyaha ka soo rogmadaan si biyuhu ugu soo dhacaan bali weyn baligaas oo biyaha kaydin kara in badan , taas oo dhimi karta xadiga biya la’aanta .

Waxyalaha kale oo aad loogu bahan yahay si biya la’aanta iyo roobka la’aanta loo dhimi waxaa ka mid ah in laga hortago dhamaan falalka lagu naafaynaayo dhirta oo ah tiirka nolosha bini aadamka iyo noolaha oo dhami ku tiirsan yihiin , dhirta oo la jaro keli ah ma keento biya yari balse waxaa kale oo ay horseedaa degaan-doorsoon oo ah in degaanku isu bedelo lama degaan xaalufay. Taya xumida dhir jaridu ay leedahay waa aafo aan marnaba laga soo waaqsan Karin hadaan ilahay u bixin dad howshaan dhabarka u dhigta kana hortaga xaalufinta dhirta .

Mahadsanidiin

Cisman maxmud cali (gooni)

Email: caligooni_9300@hotmail.com

====================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles