Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ciidamada ammaanka Jubbaland oo gacanta ku dhigey labo dhalinyaro ah oo looga shaki qabo dilkii suldaan C/qaadir Sheekh Axmed

$
0
0
Aargadda magaaladda Kismaayo

Aargadda magaaladda Kismaayo

Kismaayo[RBC Radio]Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubbaland ayaa sheegey howlgalo ay ka sameeyen magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose inay gacanta kusoo dhigeen dad la la xiriirinayo qaraxii dhawaan lala beeg sadey gaarigi uu la socdey suldaan C/qaadir Sheekh Axmed oo ka mid ahaa salaadinta gobollada.

Sidoo kale ciidamada waxaa ay sheegen inay wadayaan howlgalka ay ku doonayan inay ku sugan ammaanka magaaladda saldhiga u ah  maamulka Jubbaland.

Taliyaha saldhiga bartamaha magaaladda Kismaayo Maxamed Cabdi Buule oo warbaahinta lahadley ayaa sheegey inay gacanta ku hayaan labo dhalin yaro ah kuwaaso baaritano ay ku socdaan isla markana la la xiriirinayo dilkii loo geestey suldaan C/qaadir Sheekh Axmed.

…”"”Ciidamadu waxay gacanta ku hayaan labo dhalin yaro ah kuwaaso loo hayo qaraxii dhawan lala egtey suldaan C/qaadir Sheekh Axmed oo ka mid ah issamada Jubbaland,waxana sidoo kale jira baari taano socda oo la xiriira xaqiijinta ammaanka ee magaaladda Kismaayo…”‘“ayuu yiri taliyuhu.

Korneel Daahir Budul waxaa sidoo kale uu sheegey in dhawaan ciidamadu ay sharciga hor keeni doonan labada dhalinyarada ah ee la la xiriirinayo dilkii suldanka,waxana uu inta ku darey inan loo dulqadan doonin in dilal qorsheysan looo geesto wax garadka Jubbaland taasi ay ka hortagayaan sida uu carabaabey.

Ciidamada ammaanka Jubbaland

Ciidamada ammaanka Jubbaland

…”"”Waxan hor geyn doona dhawaan labada dhalinyarada ah ee an u hayno dilka suldanka sharciga si loogu qaado danbiga loo heysto,ciidamada Jubbaland ma aqbali doonan in dilal loo geesto dadka in dheer garadka ah ee Jubbaland markastana waxan isku dayeena dadka qaswadayaasha ah inan ka dhowrno inay dilal geestan…”‘”ayuu yiri Korneel Daahir Budul.

Sidoo kale taliyaha saldhiga dhexe ee degmada Kismaayo waxaa uu hadalkiisa kusoo qadey ciidama boolis ah kuwaaso dhawaanahanba sugayey ammaanka magaaladda Kismaayo kadib markii laga sarey ciidamada malatariga,waxana uu sheegey inay isbadal dhanka amniga ah ay dhaliyeen ciidamadasi booliska ah.

Korneel Daahir Budul waxaa uu ku amaaney ciidamada booliska inay guddaha magaaladda ka dhowreen in hub lugu dhex qaato kaso sharcidaro ah.

Ammaanka magaaladda Kismaayo ayaa mudadaan ka soo reenayey marka laga yimaado dilalka qorsheysan iyo qaraxyo oo guddaha magaaladda ka dhacay,balse arrintas waxaa ay Kismaayo la wadagta gobollada kale ee dalka Soomaaliya.

_____________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles