Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir Diirada Lagu Saaray Xaladaha Isbedelka Cimilada Dalka Soomaaliya oo Maanta Muqdisho ka Dhacay

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Shir ay soo qaban qaabisay wasaarada Khayraaadka dalka xukuumada Soomaaliya kaasoo looga doodayey sida ugu haboob  ee wax looga qaban karo isbedelka cimilada dalkeena Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimda Soomaaliya kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay saraakil ka socota qaramada midoobe iyo ergooyin ka kala yimi gobolada dalka.

Shirka ayaa waxaa si xeel dheer looga dooday la iskuna tusaaleeyey sida ugu sahlan ee wax looga qaban karo isbedelka Cimilada dalka Soomaaliya wasiirka wasaarada Khayraadka dalka oo isagu soo agaasimay kulanka maanta ayaa saaxafada la hadlay markii uu soo idlaaday shirkaasi wuxuuna sheegay in kulanka si weyn diirada loogu saaray dhibaatada ka dhalatay isbedelka cimilada dalka iyo sida wax looga qaban karon arintaasi,wuxuuna tilmaamay iney kasoo bexeen go’aano wax ku ool ah.

C/risaaq Cumar Max’ed wasiirka wasaarada Khayraadka dalka ayaa sheegay in wasaaradu ay isku hawleyso sidii wax badan looga ogaan lahaa ibedelka cimilada dalka Soomaaliya oo saamayn badan ku yeeshay nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha hay’ada barnaamijka horumarinta aduunka ee qaramada midoobe UNDP David Cluck oo isne goobta hadal ka jeediyey ayaa sheegay in qaramada midoobe ay ka qayb qaadaneyso xal u helida isbedelka dhinaca Cimilada ah ee ka jira dalka Soomaaliya wuxuuna ku tilmaamay inuu ahaa shir ahmiyad gaara u leh Soomaaliya.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles