Muqdisho(RBC Radio) Ururka alshabaab ayaa sheegtay iney masuul ka ahaayeen qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kaasoo ay sheegeen iney ku qaadeen taliyaha hay’ada nabadsugida Soomaaliya ee gobolka Khaliif Axmed Ereg Banaadir Baraha warbaahinta ee ay kooxda alshabaab ku faafiso wararkeeda ayey ku sheegeen iney masuul ka ahaayeen qaraxa ka dhacay afaafka hore ee Ex-Fiyoore,waxayna sheegeen iney ku bartilmaameedsanayeen ta
Webseedyada Kooxda alshabaab ay wararka ku faafiyaan oo soo xiganaya saraakiisha ururkaas u qaabilsan dhanka warfaafinta ayaa si toos ah u sheegtay iney ka danbeeyeen qaraxa ismiidaaminta ah ee lagu gumaaday shacab badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo aan waxba galabsan.
Alshabaab ayaa sheegay iney sii wadi doonaan weerarada nuucan ah oo ay sheegeen iney ku difaacayaan shacabka Soomaaliyeed oo ay sheegeen iney xoog ku haystaan waxa ay ku tilmaameen cadow kusoo dulay umada Soomaaliyeed,alshabaab ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee taliyaha nabad sugida gobolak Banaadir ay tahay mid Liidata.
Alshabaab ayaa ku caanbaxay qaraxyada nuucan oo kale,shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka raystay maaalmihii danbe qaraxyada ay alshabaab ka geystaan guaha Muqdisho kuwaas oo si weyn hoos ugu dhacay kadib markii ay magaalada Muqdisho ka sameeyeen hawlgalo joogto ah ciidamada kala duwan ee dowlada Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho