Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Ganacsade Xuseen oo ka hadlay Xaalada Puntland Ganacsade Xuseen oo ka hadlay Xaalada Puntland Ganacsade Xusseen Faarax Cali “Xusseen Dhikil” oo horey u ahaan jirey saraakiishii sarsare ee Xooga dalka Soomaaliyeed oo hada ah Ganacsade ku nool dalkaas Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota gaar ahaan Magaalada Minneapolis ayaa mar uu ka hadlayey xaflad Caso Sharaf oo xogwaran ah oo ay jaaliyada Puntland u qabteen Xildhibaan Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa ka cadeeyey mowqifkiisa ku aadan Xalada Guud Puntland.
Puntland dowlad baa ka dhisan oo wax walba u dhameystiran ayuu yiri mar uu la hadlayey Raxanreeb.com.
“Puntland waxaa ka dhisan dowlad ay u dhanyihiin nidaamkii dowladnimo sida Baarlamaan, Ciidan, iyo wasiradeedii leg oo shaqeyneysa oo ku filnaatay wadankeeda iyo dadkeeda”.
Xukuumada
Ganacsade xuseen ayaa waxa u si gaar ah ula hadlay isaga oo ku baraarujiyey in ay dulqaad yeeslato.
“Dowlad kasta mucaarad ayey leedahay mucaaradkii yimaada wadanka ayuu wax ku leeyahay, waxaan dowlada kula talin lahaa in ay dulqad sameyso oo samir sameyso oo dadkaa la hadasho oo wada hadalo u furto oo qaabkey wax u rabaan ogaato oo aysan ku degdegin an ay muquuniyiin”
Mucaaradka
Sidoo kale Mucaaradka Xukuumada Cabdiraxmaan Faroole ayuu uga digay in ay xoog wax ku raadiyaan.
“Walaalayaal xoog wax haku raadina si nadaam ah oo wadaniyad leh oo nabadgalyada aan wax yeeleyn wax ku raadiya si hadii aad timaadaan oo jaanis la idiin siiyo oo aan la idinku kicin” ayuu yiri Xuseen”.
Ganacsade waxa uu si gaar ah uga hadlay Madaxweynihii hore ee Puntland Jeneraal Cade Muuse waxa uuna yiri.
“Runtii Jeneraal Cade Muuse hawlo farabadab buu Puntland ka qabtay intii uu hawsha hayeyna mucaarado ma laheyn waxaa ku talinayaa in dowlada ay habmaamuus ah ay siiso asagana waxaan ka rabay in uu la taliyo uuu u noqdo madaxweyne Faroole”.
Ganacsade Xuseen ayaa ku tilmamay Cade Muuse in uu si aan habooneyn uu u mucaraday Madaxweyne Faroole.
“Kama sugeyn Cade Muuse in uu mucaarad noqdo mana maqal aduunka madaxweyne nin noqday oo hadana mucaarad noqday odayga hadii ay hawo kaga jirto in mar labaad in uu madaxweyne kusoo noqdo dadiisa iyo caafimaadkiisana ay u ogalaadaan waxa ay ila tahay waa in si xushmad iyo sharaf leh uu ugu soo tartamo ayey igula fiican tahay in uu urur mucarad ah in uu sameysto igulama haboona” ayuu yiri Ganacsade Xuseen.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
RBC Radio
Mineapolis MN
(612) 615 9556