Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Hiiraan oo eedayn kulul u jeediyey hay’adaha Gargaarka ee ka hawlgala gobolkaas

$
0
0

beledweyneBeledweyne{RBC Radio} Maamulka gobolka Hiiraan ayaa hay’adaha gargaarka ka hawlgala gobolkaas ku eedeeyey iney ka gaabiyeen wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed ee ku tabaalaysan xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kulan si weyn loo soo agaasimay ayey magaalada Beledweyne maanta  ku yeesheen masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,Saraakiisha Hay’adaha gargaarka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan,masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ee madasha ka hadlay ayaa ku dhaleeceeyey Hay’adaha gargaarka ineysan qaadan kaalintii looga fadhiyey.

Maamulka ayaa Hay’adaha ku eedeeyey ineysan waxba u qaban Kumanaan ruux oo ku tabaalaysan gobolkaasi Hiiraan kuwaas oo xiligan u baahan gargaar lala gaaro,masuuliyiinta maamulka ayaa sheegay in Hay’aduhu ay ka dhega adaygeen amar maamulka kasoo baxay.

Waxayna ka dhawaajiyeen iney tallaabo adag ka qaadi doonaan Hay’addii aan isku diiwaan galin inta ka hartay Bishan August.

Saraakiisha masuulka ka ah Hay’adaha kala duwan ee ka hawlgala gobolka Hiiraan ee hadalada ka jeediyey kulanka ayaa sheegay iney wax badan u qabteen shacabka ku dhibaataysan gobolka Hiiraan,waxayna dhankooda eeda dusha kaga tuureen maamulka oo ay sheegeen iney ku fashilmeen sugida amniga Hay’daha sida ay sheegeen.

Qaar kamid ah nabadoonadii iyo aqoon yahanadii madasha ka hadlay ayaa maamulka ku raacay in Hay’adaha ku sugan gobolka Hiiraan aysan wax la taaban karo ka qaban dhibaatada ka jirta gobolkaas,waxayna ka dhawaajiyeen in inta badan Hay’aduhu ay gobolkaas u joogaan dano u gaara halkii ay ka caawin lahaayeen bulshada ku tabaalaysan gobolkaasi Hiiraan.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles