Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha Soomaaliland oo maantey xariga ka jaray goroonka diyaaradaha Magaaladda Hargeysa oo howlo balaarin ah ay ka socdeen[Sawirro]

$
0
0

1

Hargeysa[RBC Radio]Magaaladda Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland waxaa maantey dib u howlbilabey garoonka ay diyaaradaha ka duulan kaaso muddo ay ku socotey howlo ballaarin ah isla markana lugu soo kor dhinayeey adeegyo dheeri ah oo u yeelan doono garoonku.

Daahfurkii garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa waxaa loo qabtey munaasabad ballaaran oo ay ka soo qeyb galen madaxdda Soomaaliland oo u ugu horeeyey madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka tirsan gollaha wasiiradda ee maamulka,waxaa iyana goob jog ka ahaa munaasabadda dawladdii maalgalisay dhismaha garoonka ee Kuwayd,

Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah wasiirka Duulista Hawadda Somaliland ayaa hadal uu jeediyey waxaa uu kaga waramey shaqooyinkii iyo dhismihii ka socdey garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa,waxana uu sheegey in muddada uu xirna inay ka socdeen dhismayaal ay ku ballaarinayan garoonka oo ay ka mid yihiin dhismo loosameeyey jidka ay diiyaraduhu ku socdaan xiliga ay fa dhisanayaan garoonka oo la yirahdo Run-way-ga.

Sidoo kale wasiirka waxaa uu mahadcelin ballaaran usoo jeediyey dowlladi iyadu malgalisey dhismaha ka socdey garoonka diyaaraddaha ee Kuwayd.

…”"”Sidaad la socotanba muddadan waxaa xirna garoonka diyaaraddaha oo an wax shaqo ah qaban,taasna waxaa sabab uu ah in ay ka socdeen dhismayaal lugu casriyenaya garoonka oo ay ka mid ahaayen dhismo casri ah oo loo sameeyey jidka ay diyaaraduhu soo qadan xiliga ay soo caga dhiganayaan ee Run-way-ga,sidoo kal dowladda iyana waxaa ay dhismayan ku dartey qeybo ka mid ah garoonka,waxaan doonaya inan madashan uga mahadceliyo dowladdii gacanta nugu siisey dhismaha garoonka ee Kuwayd…””‘ayuu yiri wasiirka Duulista Hawadda Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo

Madaxweynaha Soomaaliland Siilaanyo

Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isna dhankiisa hadal ka jeediyey xarig jarka dhismayaasha lugu sameeyey garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo waxaa uu hadalkiisa ku sheegey in guud ahaan garoonka dayactir lagu sameeyay, isla markaana dowaldda Kuwait ay ugu deeqday qarashka ku baxay dib-u-dhiska.

Madaxweynuhu waxaa kalo uu hadalkiisa ku sheegey inay dowladdiisu ku dadaalayso horumarinta adeegyadda bulshada ayna dar-dargelin doonto.

…”"”Sida idin muuqata waxaa guud ahanba dhismo dibu habeen ah lugu sameeyey garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa kasoo mudadanba ay howshiisu socotey,waxan dowladda Kuwayd uga mahadcelineyna inay gacan nagasiiyen dhismaha garoonka oo uu hadda ka muqdo horumar ballaaran,waxan ku dadaali doona inan ka shaqeeno dhamanba harumarka deegaanada Soomaaliland…”"‘ayuu yiri madaxweyne Siilaanyo.

Dhismaha dibu habeenta ah ee lugu sameeyey garoonka diyaaraddaha ee Hargeysa ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ,waxana xiligaan isbadal badan lugu sameeyey qeybo ka mid ah garoonka.

87

5

6

9
______________
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Deegaan1994@gmail.com
Xafiiska Gaalkacyo

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles