Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Munaasabad xariga looga jarayey Ololaha Tallaalka Cudurka Dabaysha oo ka dhacday magaalada Jowhar

$
0
0

jowhar cadeeyJowhar{RBC Radio} Munaasabad xariga looga jarayey ololaha tallaalka cudurka Dabaysha ayaa maanta ka dhacday xarunta gobolka Shbaeelaha dhexe ee magaalada Jowhar,munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay maamulka gobolkaas,hay’adaha Caafimaadka Qaramada Midoobay iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar.

Munaasabadda oo lagu daah furayey Tallaalka Cudurka Dabaysha oo la xaqiijiyey in laga helay gudaha dalka Soomaaliya,Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Cismaan Xaaji Caqiil oo hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa shaaca ka qaaday in degmooyinka ay Jowhar ka mid tahay oo ka tirsan gobolka Shabeelaha dhexe laga helay Kiisaska Cudurka Dabaysha.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in xiliyadii hore la maqli jiray in Cudurka Dabaysha laga helay magaalada Muqdisho iyo meelo kale balse waxa uu tilmaamay iney hayaan warbixinno tilmaamaya iney jiraan dad badan oo ku dhaqan gobolka Shabeelaha dhexe oo la ildaran Cudurkan.

Maxamed Cismaan Xaaji Caqiil gudoomiyaha degmada Jowhar ee xarunta Shabeelaha dhexe ayaa ku booriyey shacabka ku nool gobolkaas iney ka faa’iideystaan Tallaalka Cudurka Dabaysha si looga gaashaanto waxyeelada Cudurka,wuxuuna ku baaqay in laga shaqeeyo nadaafada magaalada.

Waxaana sidoo kale goobta ka hadlay ku simaha gudoomiyaha gobolkaas ahna ku gudoomiye ku xigeenka Shabeelaha dhexe Yuusuf Cabdi Cabdulle wuxuuna sheegay iney maamulka ka go’an tahay dabar goynta Cudurka Dabaysha.

Tallaalkan Cudurka Dabaysha ee ka bilaabanaya gobolka Shabeelaha dhexe ayaa waxaa xoogga lagu saarayaa Carruurta Da’doodu ka hoosayso 10 jirka kuwaas oo la tilmaaay iney u nugul yihiin Cudurka Dabaysha oo ah Cudur aan daawo lahayn kaasoo sababay Cuuryaanimo iyo mararka qaar geeri,Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in Cudurkaas aan wali lagu guulaysan in laga dabar gooyo dalka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles