Ujeeddo: Ogeysiin
Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika-Garowe wuxuu ogeysiinayaa dhammaan macallimiinta danaynaya macallinimada Jaamacadda , in jaamacadda ay ka banana tahay shaqo Macallinimo – Lecturer.
Baraha ay raadinayso Jaamacadu waa inuu yaqaan mid ka mid ah kulliyadahan :
1. Business administration – accounting major
2. Community development
3. Education – Science and Arts
4. Economics
5. Public administration
Shuruudaha Macallinka – lecturerka jaamacaddu raadinayso:
1. Inuu/ inay haysto ugu yaraan Master degree iyo wax ka sareeya
2. Inuu/ inay leeyahay khibrad baranimo ugu yaraan 2 sano
3. Inuu/ inay leeyahay dabeecad iyo dhaqan wanaagsan
4. Inuu/ inay soo qoro waraaq codsi ah
5. Waa inuu diyaar u yahay Qiimayn & wareysi
6. Waa inuu soo raaciyaa codsigiisa, CV giisa iyo laba qof oo reference ah cinwaanadood
Codsiyada qabashadoodu waxay bilaabmaysaa10/08/2013 waxay ku egtahay 20/08/2013, waxaana araajida lagu soo aadinayaa xarunta Jaamacadda, kasooherjeedka guriga Abshir Cumar Huruuse ee UN-ka, waxayna dhinaca ku haysaa warshadda isbuunyada Tabaarak.
Wixii faahfaahina kala xiriir : 7794763/7794851
Maamulka Jaamacadda
Tel. :252590794763 – 252590794851
E-mail : eau_growe@yahoo.com, www.eastafricauniversity.net
——————————————
Ujeeddo: Ogeysiin
Maamulka Jaamacadda Bariga Africa Garowe wuxuu ogeysiinayaa dhammaan ardayda jecel inay sii wataan waxbarashadooda Jaamacadeed , in isqoristu ay bilaami doonto haddii Alle yiraahdo 10/08/2013 ayna ku egtahay 15/09/2013.
Haddaba waxay ugu bishaaraynaysaa Jaamacaddu ardayda waxbarashada jecel in ay soo kordhisay kulliyado cusub ka dib markii Jaamacaddu ay dareentay baahida ay bulshadu u qabto kulliyadahaas.
Guud ahaan kulliyadaha Jaamacadda :
1. Kulliyadda Shareecada & Diraasaadka Islaamka – Sharea and Islamic studies
2. Kulliyadda Shareecada & Qaanuunka – Sharea and law
3. Kulliyadda Maamulka & Maareynta – Business administration
Human resource department
Accounting department
Finance Department
Management department
4. Kulliyadda Culuumta Computerka –Computer science
5. Kulliyadda Dhaqaalaha – pure economics
6. Kulliyadda horumarinta bulshada – community development
Kulliyada Cusub :
7. Kulliyadda Maareynta bulshada – Public administration
8. Kulliyadda waxbarashada –
Education
Science
Arts
Shuruudaha ardayga la qaadanayo :
1. Waa inuu/inay dhamaystay dugsi sare , uuna ku baasay ugu hooseyn grade C
2. Waa inuu uu buuxiyaa file-ka (galka ) aqbaladdaa
3. Waa inuu wataa waraaq dhalasho iyo sugnaan ama wax u dhigma
4. Waa inuu keenaa 4 sawir (passport size)
5. Waa inuu bixiyaa lacagta diwangalinta
6. Waa inuu soo raaciyaa codsiga kulliyadda uu doonayo
Jaamacaddu waxay kuu diyaarisay Manhaj, macallimiin idin qanciya iyo shaqaale furfuran.
Maamulka Jaamacadda