Muqdisho (RBC) Rag hubeysan ayaa goordhow degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ku dilay Axmed Xuseen Shariif oo ku magac dheeraa “Axmadey Shariif” oo ahaa farsamayaqaan ka tirsanaa idaacadda dawlada ee Radio Muqdisho.
Sida wararka ugu horreeya ay sheegayaan rag hubeysan ayaa Axmed Shariif waxay ku weerareen meel u dhow gurigiisa degmada Shibis xilli uu ku sii jeeday shqadiisa saaka, waxayna rasaastii ay ku toogteen farsamayaqaan Axmadey Shariif ka soo gaaray dhaawac kaasoo markii dambe uu u geeriyooday.
Dhaawaca Axmadey Sharif ayaa la geeyey isbitaalka Keysaney ee degmada Kaaraan halkaasoo uu ku geeriyooday, sidaasna waxaa goordhow noo xaqiijiyey mid ka mid ah ehelka marxuumka.
Raggii dilka geystay ayaa goobta ka cararay iyagoo aan la qaban, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan dawlada Soomaaliya.
Dilkan saaka loo geystay farsamayaqaan ka tirsan idaacadda Radio Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka waaberigii maxkamada ciidamada qalabkasida ee dawlada Soomaaliya ay xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiiglihii dilay wariye Xasan Yuusuf Absuge.
Ma caddasababta la isugu soo beegay xukunka qisasta iyo dilka farsamayaqaanka ka tirsanaa Radio Muqdisho.
Masuuliyiinta Radio Muqdisho oo ah idaacadda dawlada iyo saraakiisha amaanka weli kama hadlin dilkan.
RBC Radio