Muqdisho{RBC Radio} Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaaraysay dilkii Saaka Muqdisho loogu geystay farsamayaqaankii guud ee warbaahinta qaranka Alla ha u naxariistee Marxuum Inj. Axmed Shariif Xuseen oo saaka ay kooxo hubaysani ku toogteen agagaarka Hoyga uu ka dagan yahay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee warbaahinta qaranka C/raxmaan SH Yuusuf Al-caddaala ayaa ka tacsiyeeye geerida Alla ha u naxariistee Inj.Axmed Shariif,wuxuuna Alle uga baryey inuu u naxariisto ehaldii,qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayne uu Samir iyo iimaan ka siiyo.
C/raxmaan SH Yuusuf ayaa ku eedeeyey iney masuul ka ahaayeen dilkaas kooxda ka leexatay jidka ilaahey ee falaagowday sida uu hadalka u dhigay,wuxuuna cod dheer ku sheegay in ugaarsiga Saxafiyiinta qaranka aysan niyad jabin doonin shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya isla markaane uusan dilkani hakin doonin hawlaha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Dhanka kale waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyey geerida Inj. Axmed Shariif wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta,Boostada iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya C/shakuur Cali Mire,wuxuuna tacsi kadib sheegay war hore looga bartay masuukliyiinta dowladda oo ah iney ku raadjoogaan kooxihii ka danbeeyey dilka Saxafigan caddaaladane la horkeeni doono.
Wuxuuna hoosta ka xariiqay iney Murugada iyo Tiiraanyada la wadaagayaan ehaldiisa,wuxuuna tilmaamay in Alla ha u naxariistee Inj. Axmed Shariif uusan ka bixin eheladiisa oo kaliya balse uu ahaa shakhsi ka baxay wasaaradda warfaafinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Kooxo hubaysan oo la sheegay iney wateen Uniform-ka Ardayda ayaa waxa ay saaka aroortii xaafadda Maana Polio ku toogteen Marxuum Inj.Axmed Shariif Xuseen farsamayaqaankii guud ee Raadiyaha iyo Telefishinka dowladda Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho