Muqdisho (RBC) Fagaaraha dugsiga booliska ee magaalada Muqdisho waxaa saaka waaberigii dil toogasho ah lagula fuliyey gacan ku dhiigle horey loo xukumay oo dilay wariye Xasan Yuusuf Absuge.
Aadan Sheekh Cabdi Sheekh Xuseen oo ahaa gacan ku dhiiglihii bishii Sebtembar ee sanadkii 2012 ku dilay degmada Yaaqshiid wariye marxuum Xasan Yuusuf Absuge ayaa saaka ciidamadu ku fuliyeen dil qisaas iyadoo fagaaraha uu xukunka dilka ah uu ka dhacay ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabkasida oo horey xukunkan u riday, saraakiil caafimaad, saraakiil ciidan iyo ehelada gacan ku dhiiglaha iyo marxuumka hore intaba.
Ninka gacan ku dhiiglaha ah oo xabsiga ku jiray mudo ayaa waxaa bishii Maarso ee sanadkan 2013 lagu xukumay dil iyadoo xilligaasi xukunka ay gaartay maxkamadda gobolka Banaadir balse ehelada gacan ku dhiiglaha ayaa xukunkaasi ka qaatay racfaan iyagoo sheegay inaysan ku qanacsaneyn xukunkaasi.
Waxaa markale dacwada dhageystay maxkamadda ciidamada qalabkasida taariikhda markay ahayd 3/08/2013 iyadoo maxkamaduna ay iiday racfaanka ay soo qaateen ehelada gacan ku dhiiglaha oo loo hayey cadeymo fara badan oo muujinaya dilkii uu u geystay wariye Xasan Yuusuf Absuge, waxayna maxkamadduu ku xukuntay markale dil toogasho ah.
Allah ha u naxariistee wariye Xasan Yuusuf Absuge ayaa ka mid ahaa rugcaadayada saxaafadda Soomaaliyeed ee ka soo baxay jaamacadii Lafoole. Wuxuu ka soo shaqeeyay idaacadii qaranka Radio Muqdisho, wyuxuuna markii u dambeysay uu wariye ka ahaa idaacadda gaarka loo leeyahay Radio Maanta. Wuxuu marxuumka ka tagay xaas iyo dhowr carruur ah.
Ehelada wariyaha ayaa horey walaac uga muujiyey sida ay u daba dheeraatay dacwadan cadeymaha badan loo hayo hase yeeshee waxay dhowaan sheegeen inay ku qanceen xukunka lagu fulinayo gacan ku dhiiglihii dilay wariyaha.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho