Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Qaramada Midoobay oo Ka Deyrineysa Xaalada Kufsiga Haweenka Soomaaliyeed (Warbixin)

$
0
0

haweenka-barakacyaashaMuqdisho (RBC) Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda isku xirka gargaarka bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay heerka uu gaarsiisan yahay kufsiga loo gaysto haweenka Soomaaliyeed gaar ahaan dumarka ku nool xeryaha barakacayaasha.

Warbixintan ayaa sheegtay in kufsigu uu yahay mid baahsan oo weli ka jira dalka, iyadoo aan inta badan laga soo waramin oo ay yar tahay inta la ogaado ama la sheego taasoo keeneysa inuu weli sii socdo xadgudubkan ka dhanka ah haweenka.

Warbixintan ay soo saartay hay’adda isku xirka gargaarka bani’aadanimada ee OCHA ayaa cadeysay in lixdii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2013, intii u dhexeysay Jannaayo illaa Juun in la soo diiwaangeliyey 800 xaaladood oo kufsi iyo falal la xiriira oo ka dhacay Soomaaliya.

Afhayeen u hadashay OCHA Jens Laerke waxay sheegtay in in haweenka iyo gabdhaha ku jira xeryaha barakacayaasha ay yihiin kuwo sida weyn loo bartilmaameedsado.

“Kooxaha ku lebisan dharka ciidamada iyo kooxo hubeysan oo aan la garan heybtooda ayaa beegsada haweenka.” ayey tiri haweeneyda u hadashay OCHA.

Waxay warbixintu sheegtay in dumarka dhibaatada kufsiga uu ku dhaco ay u badan yihiin kuwa da’doodu ay gaareyso 18 ama ka weyn ee ku jira xeryaha barakacayaasha.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay dadka ku barakacsan gudaha Soomaaliya 1.1 (hal milyan iyo boqol kun) iyadoo sanadkii hore tiradaasi ay ahayd 1,7 (hal milyan iyo toddoba boqol kun).

Warbixintan ayaa ku soo beegantay iyadoo dawlada Soomaaliya iyo Taliska AMISOM ee Soomaaliya ay toddobaadkan sheegeen in ay baarayaan kufsi lagu eedeeyay ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM oo ka dhacay xerada Maslax ee deegaanka Suuqa Xoolah ee magaalada Muqdisho oo ay degan yihiin ciidamada AMISOM.

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles