Johannesburg{RBC Radio} Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa ku waraaya in Dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed ay boob u geysteen kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah,wararka ay Raxanreeb.com ka heleyso dalkaas ayaa tilmaamaya in dhacdadii u danbeysay lagu boobay in ka badan 80 Dukaan.
Axmed Ibraamih Maxamed oo ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsada dalka Koonfur Afrika ayaa ka warbixiyey baaxadda boobka loo geystay Dukaamada Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in goobta uu dhaca baahsani ka dhacay ay tahay gudaha iyo nawaaxiga magaalada Johannesburg ee dalkaas.
Ganacsade Axmed Ibraahim ayaa sheegay iney Dukaamada Soomaaliyeed weerar ku soo qaadeen dadweynaha dalka Koonfur Afrika oo sida uu sheegay ku hubaysnaa Baangado iyo Toorayo,wuxuuna sheegay iney dhammaan qaateen hantidii taalla Dukaamada,wuxuuna ku eedeeyey booliska dalkaas iney gacmaha ka laabteen wax ka qabashada dhibaatada loo geystay dadka Soomaaliyeed.
Ganacsadahan ayaa intaa ku daray in weerarka lagu qaaday Dukaamada Soomaalida ku nool magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ay ku dhaawacmeen 2 wiil oo lagu weeraray goobtooda ganacsi,wuxuuna tilaamay in wiilashaas ay ku baxsadeen albaab danbe oo Dukaanku uu lahaa.
Wuxuuna meeshka ka saaray in waxa boobka ku haya ganacsatada Soomaaliyeed ay yihiin burcad balse waxa uu xusay in dhammaan bulshada dalkaas ay ka siman yihiin boobka loo geysanayo Soomaaliya,Axmed Ibraahim ayaa sheegay in boobkan u danbeeyey ay hormuud ka ahaayeen ardayda dhigta dugsiyada magaaladaas.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho