Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Al-Shabaab oo weerar ku qadey deegaan ku yala guddaha dalka Kenya gubteyna guryo farabadan oo halkaasi ku yaalay

$
0
0
Deegaanka ay soo weeraren Al-Shabaab oo ay kusugn yihin ciidamo tiro yar inta usan weerarka usan soo dhicin

Deegaanka ay soo weeraren Al-Shabaab oo ay kusugn yihin ciidamo tiro yar inta usan weerarka intuusan   dhicin

Dar-Magaala[RBC Radio]Xooggaga al-Shabaab ayaa weerar xoogan ku qadey deegaan ku yala guddaha dalka Kenya,halkaaso la sheegey inay weerarkaasi uu ka dhashey khasaare xogleh.

Weerarkan ayaa ka dhacay deegaan ku dhow faafi waxana lugu magaacab Dar-Magaala waxana ay ku taala gobolka Soomaalida dagto inkastoo deegaankan uu xisab san yahay deegaanada ku yaala gudaha dalkaasi.

Xildhibaankii hore ee laga soo dortey deegaanka ayaa warbaahinta xili uu lahadlayey waxaa uu sheegey inay al-Shabaab weerar kusoo qaden deegaanka ayna gubeen qeybo ka mid ah guryo ay ku noolayan dad shacab ah.

Masuulkan oo horey mar usoo noqdey xildhibaanka deegaanka laga soo dorto ayaa lugu magaacaba Aadan Sugow,waxana uu sheegey inar wareerkan uu yimid kadib markii ay ciidamadda Kenya ay ka gaabiyeen suguda ammaanka deegaanka taasina ay sababtey in al-Shabaab ay si fudud deegaanka usoo galan ayna dhibaato u geestan dadka deegaanka ku nool.

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo kusugan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya

Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo kusugan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya

…”"”Waxaa dhab ah inay al-Shabaab deegaanka guddaha usoo galen dhibaatana ay geestin,waxaa ay gubeen guryo ku yala deegaanka oo ay daganaayen dad qaxooti ah waxana y dileen illaa labo ruux,arrintan waxaa sabab uu ah ciidamada Kenya oo ka gaabiyey inay sugaan ammaanka deegaanka…”"”ayuu yiri Aadan Sugow oo horey uu ah xildhibaanka laga soo dorto deegaanka uu weerarka ka dhacay.

Masuulkan waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey inay jirto khasaare baaxad leh oo ay al-Shabaab garsiiyen dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaankaas.

Sidoo kale waxa auu sheegey inay deegaanka kusugnayen illaa iyo 11 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya balse ay weerarka ka biloben al-Shabaab tirada yar ee ciidamada.

Weerarkan ay soo qadeen al-Shabaab ayaa dhacay habeenki xaley,mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dowladda Kenya oo ku aadan weerarka lugu qaaden deegaan ku yaala guddaha dalkaasi weerarkasi oo ay soo qaden kooxda al-Shabaab ee ka dagaalanta qeybo ka mid ah guddaha dalka Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysey oo weerar hubeysan ay ku qaado xoggaga al-Shabaab deegaan ku yaala guddaha dalka Kenya.

___________
Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio

Deegaan1994@gmail.com

Xafiiska Gaalkacyo

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles