Muqdisho{RBC Radio} Alshabaab ayaa ka hadlay kufsi dhawaan la sheegay in ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay Gabadh Soomaaliyeed ugu geysateen gudaha Xerada Maslax ee dulaadka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay fariisin ku leeyihiin.
Afhayeenka guud ee alshabaab SH Cali Maxamuud Raage SH Cali-dheere oo la hadlayey warbaahinta ku hadasha afka alshabaab ayaa cambaareeyey falkaasi kufsiga ah wuxuuna wacad ku maray iney alshabaab u aar gudi doonaan Gabadha Soomaaliyeed ee ay faraxumeeyeen ciidamada AMISOM sida uu tilmaamay.
Cali-dheere ayaa hoosta ka xariiqay iney alshabaab u dagaalamayaan soo celinta sharafta ummadda Soomaaliyeed sida uu yiri,wiuxuuna xusay iney suurtagalisay kufsiga ay AMISOM u geysanayaan haweenka Soomaaliyeed kadib markii sida uu sheegay laga gabiyey dagaaladii lagu hayey ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee dowladda taageeraya.
Afhayeenka alshabaab SH Cali Maxamuud Raage Cali-dheere ayaa ku booriyey dhalinyarada daacadda u ah alshabaab iney ka dhiidhiyaan falka foosha xun ee loo geystay Gabadha Soomaaliyeed,wuxuuna ka dhawaajiyey in alshabaab ay jawaab adag ka bixin doonaan falka ay geysteen ciidanka AMISOM.
Maalinimadii Ciidda Fitriga ayaa waxaa la sheegay in ciidamada AMISOM ay kufsi u geysteen haweeney Soomaaliyeed,markii uu warkaasi soo baxay ayaa waxaa ka hadashay dowladda oo gudi soo baara u saartay dhacdadaasi,waxaana dhanka kale ka hadlay taliska AMISOM oo sheegay iney baarayaan arintaasi.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho