Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Sanadka 2014ka dalka laga Dabar Goyn doono Cudurka Dabaysha

$
0
0

maryam qaasimkaMuqdisho{RBC Radio} Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in muddo Sanad gudihiis ah guud ahaan dalka Soomaaliya looga cidhib tirayo Cudurka Dabaysha oo la shaaciyey inuusan ka dabar go’in dalka wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Drs Maryam qaasim Axmed wasiirada horumarinta adeega bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya oo la hadlaysay Raadiyaha dowladda Soomaaliya maanta oo Jimco ah ayaa daboolka ka qaaday in dowladdu ay dajisay qorshe muddo Hal Sano ah guud ahaan dalka looga dabar goynayo Cudurka Dabaysha oo xiligan fara ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed.

Maryam Qaasim  ayaa sheegtay in wasaaradu ay gobolada u kala dirtay baarayaal soo aruuriya xog la xiriirta Cudurka Dabaysha,waxayna tilmaantay in hadda uu socdo wareegii 6aad ee tallaalka dabar goynta Cudurka Dabaysha oo la xaqiijiyey jiritaankiisa Sooomaaliya.

Wasiirada ayaa ka dhawaajisay iney qorsheeyeen in dhammaadka sanadka soo socda ee 2014ka guud ahaan dalka laga dabar gooyo Cudurka Dabaysha,waxayna xustay iney dowladda federaalka Soomaaliya ka go’an tahay dabar goynta Cudurka Dabaysha.

Cudurka Dabaysha ayaa la xaqiijiyey inuu ka jiro Soomaaliya kadib la helay Kiisas dad waaweyn iyo Carruur uu ku dhacay Cudurka waxaana dalka ka socda olole lagu ciribtirayo Cudurka Dabaysha.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles