Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Cabdullaahi Azhari “In Deeqda Raashinka ah la Cesho Ilama Haboona” (Dhageyso)

$
0
0
Cabdullaahi Axmed Azhari

Cabdullaahi Axmed Azhari

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!


AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

Minneapolis (RBC Radio) Wasiirkii hore ee wasaarada Jaaliyadaha ee Dowladii Kumeel Gaarka aheyd Mudane Duuliye Sare Cabdullaahi Azhari ayaa markii ugu horeysay Markab dhawaan dhawaan laga celiyey dekada Boosaso oo  waday deeq raashin ah oo ay ku deeqday wadanka Turkiga.

Deeqdaas ayaa DF ka usoo qoondeysay in 3 magaalo oo qura la gaarsiiyo dhamaan deeqdaas iyada Dowlad Goboleedka Puntland ay ka biyo diiday kadibna ay sidaas markabkii waday dib lo0 celiyey

Cabdullaahi Azhari ayaa ugu horey ku amaanay dowlada Turkiga raashinka ay umada soomaaliyeed ugu deeqda.

“Ugu horey run ahaantii dowlada Turkiga waa ay ku mahadsan tahay Soomaaliya waa Soomaaliya meelkasta oo ku nool dad soomaali ah oo lagu taakuleynayo iyada Soomaaliya waa u Soomaaliya waa u nkeentay” ayuu yiri Cabdullaahi Azhari.

Dhanka kale waxa sheegay in hadii ay masiibo muuqato ay jirto ay DF ka ay xaq u leedahay in ay tiraahdo meelo khaas ah hala geeyo waxa uuna ku tilmaamay in ay u muuqato in deeqdaas ay keeni kartay kala qeybin.

“Dowlada Fedraalka xaq wey u leedaha in in hadii ay jirto masiibo muuqato in meel hebla ayo meel hebla hala geeyo”. ayuu yiri Cabdulaahi Azhari

Azhari oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri “Puntland oo dhan in ay ka muujiso 3 magaaalo waxaad moodaa sida ay Puntland hada ku dacwooneyso in ay dhici karto ama jiri karto kala qeybin kala maamul oo loo fasiran karo waa ay dhici jartaa.

Cabdullaahi Axzhari ayaa Dowlada Puntland ku dhaliilay celinta deeqdaas isaga oo ku tilmaamay in ay tahay mid aan habooneyn.

“Deeqdaas raashinka ah in la celiyo aniga ilama haboona waxa ay aheyd raashinka Soomaaliya ayuu u socday Soomaaliya dekadeedii ayuu yimid raashinka in uu dego oo Boosaaso dekadeeda ku dego Turkigana waad mahadsan tahay ayey aheyd la yiraaho markabkooduna uu dalkooda ku noqdo aheyd markaasna laga tashado hadsii 3dii degmo loo deynayo  iyo hadii meelo kale lagu darayo iyo hadii Dowladu si kale u qarameyneyso ama ciidamada ha siiso ama dadka barakacayaasha ha siisoama si un hayeeshee  in ay sidaas ku taliso ayey anigu igula habooneyd ” ayuu yiri Cabdulaahi Azhari.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!


AMA HALKAAN KA DHAGEYSO

RBC Radio
Minneapolis MN
Tell (612) 615-9556

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles