Muqdisho{RBC Radio} Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo magaca looga bedelay garoonka Kubbada Koloyga ee Ex-Luujino ayaa maanta lagu qabtay gudaha garoonkaas,munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirada horumarinta adeega bulshada xukuumadda Soomaaliya,bahda Isboortiga Soomaaliyeed,Gudiga Olombikada Soomaaliyeed iyo dadweyne aad u fara badan.
Munaasabadda magaca cusub loogu bixinayey garoonkii hore loo oran Jiray Ex-Luujino ee degmada C/casiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu daah furay ciyaar ay iskaga horyimaadeen Kooxaha Kubbadda Kolayga Dekedaha iyo Feeri ee dalkeena Soomaaliya.
Garoonka ayaa waxaa loo bixiyey magaca Cusub waxaana loogu magac daray Alla ha u naxariistee Marxuum Aadan xaaji Yabarow wiish,waxaana hadallo ku aaddan taariikhdii Isboorti iyo waxqabadkii Marxuum Wiish goobta ka jeediyey masuuliyiinta gudiga Olombikada Soomaaliyeed iyo dad ay in muddo ah soo wada shaqeeyeen marxuumka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta adeega bulshada xukuumadda Soomaaliya Aweys Xadaad oo goobta hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday waxqabadkii Aadan Xaaji Yabarow Wiil gudoomiyihii hore ee gudiga Olombikada Soomaaliyeed oo 4tii bishii April ee sanadkii hore ka mid ahaa dad badan oo ku naf waayey qarax Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Xaflad ka socotay gudaha Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka magaalada Muqdisho.
Wasiirada horumarinta adeega bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Drs.Maryam Qaasim ayaa ku dhawaaqday in hadda wixii ka danbeeya uu magaca garoonku yahay Wiish Staduim,aysane jiri doonin magacyadii hore loogu aqoon jiray.
Waxayna tilmaantay iney iyada taariikh weyn u tahay iney xafiiskeeda kasoo saarto Dekereetada maga looga bedelay garoonkii Ex-Luujino oo hadda loo bixiyey garoonka Kubbadda Koloyga ee Wiil,waxayna carrabka ku adkaysan in cid walba oo qaranka wax usoo qabata sidan oo kale loo xasuusan doono,Wiish ayey sheegtay Maryam qaasim inuu geeriyooday isaga oo gudanaya xil qaran.
Dadka kasoo qaybagalay munaasabadda ayaa waxaa ka mid ahaa ehelada Marxuum Aadan Xaaji Yabarow Wiil waxayna si weyn ugu farxeen tallaabada ay dowladdu garoonka Ex-luujino ugu bixisay magaca Garoonka Wiil.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho