Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya oo ka Warbixiyey Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Wasiirada arimaha Gudaha Carabta

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo ka qaybgalay shirkii wasiirada arimaha gudaha wadamada carabta ee ka dhacay magaalada Riyaad ee caasimada boqortooyada sucuudi carabiya oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey go’aamadii Soomaaliya quseeyey ee kasoo baxay shirkaas.

C/kariin Xuseen Guuleed oo warbaahinta kula hadlayey gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirkaas looga wada hadlay arimo badan oo taabanaya sidii la iskaga kaashan lahaa dhibaatooyinka haysta wadamada ku jira jaamacada carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay wuxuuna sheegay in si gaar ah diirada loogu saaray arimaha burcadbadeednimada iyo argagixisada.

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen ayaa sheegay in shirka Riyaad ay kasoo bexeen go’aano wax ku ool ah oo dhaxal gal u ah umada Soomaaliyeed  wuxuuna sheegay in wasiirada carbeed ay isku raaceen in la iska kaaashado sidii looga hortagi lahaa falalka argagixisanimada iyo burcadbadeednimada isla markaane dowlada Soomaaliya la siiyo taageero buuxda si ay meesha uga saarto alshabaabka ka dagaalama Soomaaliya iyo kooxaha burcad badeeda oo caqabad ku noqday isu socodka maraakiibta ganacsi ee u kala goosha wadamada caalamka.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in markii uu soo idlaaday kulanka wasiirada arimaha gudaha wadamada jaamacada carabta uu kulamo gooni gooni ah la qaatay wasiiro ka socday dalal badan oo carbeed kuwaas oo uu tilmaamay iney isla gaareen adkeynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo wadamada carbeed ee uu wasiiradooda la kulmay.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles