Muqdisho(RBC Radio) Qarar weyn oo ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay afaafka hore ee xarunta Ex- Fiyoore wararka aan ka heleyno ayaa sheegaya in qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo uu waday qof isa soo miidaamiyey,qaraxa ayaa haleelay dad badan oo ku sugnaa maqaayad ku taalla agagaarka Ex-Fiyoore.
Qaraxa oo goordhow dhacay ayaa waxaa ay ku waramayaan wararka horu dhaca ah ee aan ka heleyno goobta ay dhibaatadu ka dhacday in iilaa 6 ruux ay ku nafwaayeen qaraxaas waxaana ka dhashay dhaawacyo fara badan gaadiidka aambalaaska ayaa goobta ka daad gureynaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa lagu arkayaa meydadka dadkii ku dhintay qaraxa oo daadsan goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana goobta isku gadaamay ciidamo fara badan oo ka tirsan milateriga iyo booliska dowlada Soomaaliya,dadka ku dhintay qaraxa ayaa waxaa kamid ahaa arday kasoo noqday Iskuul kuwaas oo uu qaraxi haleelay gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen.
Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada qaraxa ay maanta ku geeriyoodeen dadka faraha badan,wararka aan ka heleyno afaafka hore ee Ex-fiyoore oo ka agdhow Golaha murtida iyo madadaala iyo guriga hooyooyinka ayaa sheegay in marba marka ka danbeysa burburka dhismaha maqaayada lasoo saarayo Meydad hor leh, waxaana xusid mudan in awooda qaraxa uu saamayn ba’an ku yeeshay goobo indoor ah u jira goobta uu qaraxu ka dhacay waxaana ka mid ah Maqaayada THe Village iyo guriga Hooyooyinka oo ay burbureen inta badan daaqadaha muraayadaha ah ee dhismayaashaas.
Qaraxan ayaa ka mid ah qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho kuwaas oo ay dhibaatada ugu badani ay kasoo gaarto shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.,tafaasiisha ku saabsan qaraxa iyo waxyaabaha kusoo kordha qasaaraha uu geystay kala soco Raxanreeb.com