Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Nin AlShabaab ka tirsan oo Gobolka Nugaal lagu qabtay.

$
0
0

 

Garoowe (RBC RADIO) Sida uu Saxaafada gudaha u sheegay Faysal Khaliif Caways oo ah Gudoomiye ku xigeenka  Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal Waxaa shalay galab Deegaanka Xasbahalle ee hoostakta Degmada Eyl lagu qabtay Nin ka tirsan Ururka Alshabaab una socday in uu Hawlgal amni daro ah ka fuliyo qaybo ka mid ah Gobolka Nugaal Hase ahaatee Ninkaasi la qabtay loona gudbiyay dhanka Caasimada Puntland ee Magaalada Garoowe.

 

 Mr Wacays ayaa Mar uu Waraysi siinayay Idaacada Radio Garoowe wuxuu sheegay in ninkan uu ahaa mid Socdaal dheer soo galay soona lugeeyey ayna la socdeen sida uu sheegay ninka la qabtay 2 qof oo kale kuwaasi oo loo kala diray dhanka Jariiban iyo Gobolka Bari halkaasina ay ka fulin doonaan Hawlgalo Amniga lidi ku ah sida uu Gudoomiyuhu yiri.

 

 ”Ninkan waxaa arkay shacabka Reer Xasbahalle waliba Caruur iyo Dumar waxay arkeen ninkan oo aad u daalan dadka ayuu biyo weydiistay waana la siiyay kadibna waxay soo wargaliyeen ciidanka sidaa ayaana ninka lagu qabtay, wuxuu inoo xaqiijiyay inuu Alshabaab ka tirsan yahay 2nin o kale ay la socdeen kuwaasi oo kala aaday Jariiban iyo Gobolka Bari, wuxuu kaloo inoo sheegay hada inuusan wax hub ah wadan oo lagu balamay qof walba markuu gaaro meeshii loogu talagalay hubka loo keeni doono,waxaan u gudbinay Caasimada Garoowe halkaasi ayaan lagu baarayaa, waxaan Heegan galinay Ciidanka Qaranka Si ay uga hortagaan Firxadka Alshabaab ee kusoo jabay Gobolada Puntland sidaana waxaa yiri Ku xigeenka Godoomiyaha Degmada Eyl ee Gobolka Nugaal ee Puntland.

 

 Ninkan waxaa saaka la keenay Magaalada Garoowe waxaana ku socota Baaris Culus iyadoo lagu raad joogo ragii kale sida uu Sheegay Wacays oo ah ku xigeenka  Maamulka Eyl, Madaxda Ciidanka Booliiska Puntaland ayaa dhawaan shaaciyay in si xoogan loo adkeyn doono Amaanka Deegaanada Fog Fog halkaasi oo laga yaabo in Alshabaab koox ka tirsan ay dhuumaaleysi ku tagi karaan.

 

RBC RADIO

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles