Garoowe (RBC RADIO) Gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Reer Puntland ee dalka Jarmani (Puntland Diaspora Forum In Germany) C/qaadir Xaaji Cali ( Malaay) oo safar gaaban ku jooga Deegaanada Puntland ayaa Wareysi uu siiyay RaxanReeb.com wuxuu sheegay in Ururkan oo ah Mid Curdin oo hada la unkay uu bilaabay in uu waxtarkiisa gaarsiiyo Gobolada Puntland qaarkii isagoo sheegay dhanka kale ayka qayb qaateen dib u dhiska wadada isku xirta Deegaanka Wadaagsin iyo Gaalkacyo oo ka wada tirsan Gobolka Mudug ee Puntland wax yaabo kale oo muhiim ahna ay soo wadaan waqtiyada soo aadan.
“ Waxaan hada joogaa Puntland waa wadan aad u dhisan una hormaray,waxaan la kulmay dhamaan shacabka iyo Madaxda Dowlada intaan ka gaari karay waxaana kala hadlay sidaan dalkeena usii hormarsan lahayn dhamaantoodna wey soo dhaweeyeen ururkan cusub, intaas oo kaliya kuma harine waxaan ka qayb galay shirar kala duwan waxaan talooyin badan ka bixiyay shirar aan ka qayb galay oo arimaha bulshada looga hadlayay oo laygu casumay hadana waxaan doonayaa inaan deegaano kale tago ka hor intaan amba bixin.
Mudanaha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri.
“ inkastoo aan jecelnahay inaan ka qayb galno wax kasta oo dalka lagu hormarinayo, hadana intaan hada joogay waxaan Deeq u dirnay Caruuraha agoomaha ah iyo kuwa Danyarta ah ee ku sugan Gobolka Mudug waxaana ugu dhiibnay Gudoomiyaha Gobolkaasi mudane Tigay, sidoo kale waxaan Deeq Raashin Ah Gaarsiinay Xarunta Dadka Dhimirka la’ ee nasrulaah ee Garoowe ku taala waana filayaa in aan gobolada kale ee Puntland inkastoon bilow nahay aan isku dayi doonno inaan kala shaqeyno dhanka hormarinta Arimaha bulshada maadaama Ururkan uu ka madax banaan yahay dhanka siyaasada ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Ururka la magac baxay (Puntland Diaspora Forum In Germany)
Mudane malaay wuxuu sheegay in Hogaanka Ururka uu ku sugan yahay dalka Germany isagana uu dalka u yimid indha indheen iyo ogaanshaha waxyaabaha ay dadku u baahan yihiin wuxuuna sheegay in uu dib u laaban doono isagoo wada xogo kala duwan, wuxuu kaloo sheegay in ay xooga saari doonaan sidii Bulshada Qurba joogta ee reer Puntland ay dalka ugu soo xiri lahaayeen ugana dhaadhicin lahaayeen in dalkooda ay maal gaashadaan intii ay wax kale ku mashquuli lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.
Inkastoo ay jiraan ururu Qurbo joog ah oo Reer Puntland ah hadana Ururkan cusub oo ku afbilowday wax qabad iyo dar dar hor leh ayeey dad badan ku tilmaameen in uu noqon doono mid ka qayb qaata Hormarka iyo Dib u dhiska Dal,iyadoo Dhawaan ay bilaaban doonaan hawlaha uu ururku ka fulinayo Deegaanada Puntland
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.