Boosaaso[RBC Radio] Cabdirixmaan Maxamuud Xaaji Xaxasn ayaa sheegay in ay ammaan mudanyihiin Ciidamadii gacanta ku dhigat lacagtaas la doonayey in lasoo geliyo Suuqyada deegaanada Puntland.
….”” Runtii waxay mudanyihiin ammaan,waxay mudanyihiin in la tixgeliyo,Waxaan hadda u digeyno waxa weeye in lacagtaasi ay keeneyso Sicir barar Shacabka reer Puntland oo dadka hantidooda lagu dhacayo,…””ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka reer Puntland iney ka feejignaadaan dadka arrintaas kashaqeynaya iyo kuwa soo gelinaya lacagta been abuurka ah in aan Ummada lagu waxyeelayn.
Tallaabada ay qaadeen Ciidanka Kantaroolka Boosaaso ayaa ah mid lagu farxo,waxaase jirta in aysan Dawladu shaacin meesha lacagtan uga timid.
______________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Boosaaso