Gaalkacyo{RBC Radio} Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo lagu maamuusayey Sanad guurada 7aad ee maamulka Galmudug ayaa maanta lagu qabtay meelo badan oo ka tirsan gobolka Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya,munaasabadda ugu weyn ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
U diyaar garowga xuska munaasabadda sanad guurada 7aad ee aasaaska maamulka Galmudug ayaa si weyn looga dareemayey magaalada Gaalkacyo,waxaana maanta wadooyinka magaaladaasi socod ku maray ardayda waxbarta dugsiyada ku yaalla magaalada Gaalkacyo,waxaana sidoo kale gaada ka ciyaar magaalada kusoo bandhigay cutubyo ka tirsan ciidamada amniga maamulka Galmudug.
Xuska loo sameeyey sanad guurada 7aad ee aasaaska Galmudug ayaa waxaa ka qaybgalay marti sharaf aad u badnaa,waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ka qaybgalay wafti uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulka gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan Joodax.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo hadal ka jeediyey munaasabada ayaa waxa uu dhammaan shacabka kasoo jeeda deeganaada uu ka arimiyo maamulkaas u diray hambalyo ku aaddan xuska sanad guurada 7aad ee aasaaskii maamulka Galmudug.
Madaxweyne Cabdi Qaybdiid ayaa uga mahad celiyey waftiga ka socday maamulka gobolka Banaadir ka qaybgalkooda xuska sanad guurada 7aad ee maamulka Galmudug,wuxuuna sidoo kale ka mahad celiyey diyaar garowga weyn ee ay muujiyeen shacabka Galmudug.
RBC Radio
Xafiiska Muqdisho