Boosaaso[RBC Radio] Ciidamada kantaroolka magaaladda Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa maanta gacanta kusoo dhigay lacag gaareysa boqol milyan oo shilin Soomaali been abuur ah.
Wasiir Kuxigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdirixmaan Maxamuud Xaaji Xaxasn oo Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamadu gacanta ku dhigeen lacagtaas been abuurka ah.
…”" Boqol milyan ilaa todoba boqol oo kun ayaa lagu qabtay kantaroolka Boosaaso,waxaana lagu qariyey fuusto lagu soo alxamay,…”"ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in lacagtaas ay gebi ahaanba tahay mid been abuur ah isla markaana lagu doonayey in Sicir barar lagu rido Ummada reer Puntland.
Lacagta been abuurka ah ee la qabtay ayaa la sheegay in lagu soo dhex qariyey Fuustooyin kuwa Shidaalka lagu shubto taasoo lagu soo lixaamaday lacagta .
Cabdirixmaan Maxamuud Xaaji Xaxasn ayaa sheegay in ay ammaan mudanyihiin Ciidamadii gacanta ku dhigat lacagtaas la doonayey in lasoo geliyo Suuqyada deegaanada Puntland.
….”" Runtii waxay mudanyihiin ammaan,waxay mudanyihiin in la tixgeliyo,Waxaan hadda u digeyno waxa weeye in lacagtaasi ay keeneyso Sicir barar Shacabka reer Puntland oo dadka hantidooda lagu dhacayo,…”"ayuu yiri.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Shacabka reer Puntland iney ka feejignaadaan dadka arrintaas ka shaqeynaya iyo kuwa soo gelinaya lacagta been abuurka ah in aan Ummada lagu waxyeelayn.
Tallaabada ay qaadeen Ciidanka Kantaroolka Boosaaso ayaa ah mid lagu farxo,waxaase jirta in aysan Dawladu shaacin meesha lacagtan uga timid.
______________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Boosaaso