Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Degmooyin ka tirsan gobolk Banaadir oo Maanta laga bilaabay Olole Nadaafaded

$
0
0

ololeMuqdisho{RBC Radio} Olole nadaafeed oo sare loogu qaadayo bilicda magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa laga sameeyey qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho,ololaha nadaafadeed ayaa waxaa laga fuliyey degmooyinka Waaberi,X/jajab iyo X/weyne ee gobolka Banaadir.

Ololahan nadaafadeed oo ay fulinayaan masuuliyiinta maamulka dowladda hoose u qaabilsan nadaafadda ayaa waxaa ka qaybgalayey dadweyne fara badan  iyo gaadiid ay Cagaf-cagafyo ka mid yihiin kuwaas oo qashinka ka qaadayey degmooyinkaasi.

Agaasimaha Waaxda nadaafadda dowladda hoose ee magaalada Muqdisho Xuseen Abtidoon ayaa ka warbixiyey hawlaha nadaafadeed ee ay maanta ka bilaabeen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir,wuxuuna sheegay in ololahan nadaafadeed uu qayb ka yahay soo celinta bilicdii ay lahayd magaalada Muqdisho.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in maamulka gobolka Banaadir ay dhammaan degmooyinka magaalada Muqdisho ay dhigeen Haamaha qashinka kuwaas oo ay ugu tala galeen in qashinka lagu shubo dabeetane ay ka qaadaan gaadiidka dowladda hoose,balse wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dadka qaarkiis ay goobihii qashinka laga qaaday dib qashin hor leh usoo dhigeen.

Wuxuuna u diray digniin culsu isagoona sheegay in maamulka uu ilaalo u sameeyey ciddii lagu qabto iyada oo qashin dhigaysa goob aan loogu tala galin,wuxuuna sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono,Xuseen Abtidoon ayaa dhanka kale shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa uu ugu baaqay iney maamulka kala shaqeeyaan soo celinta bilicdii magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles