Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xukuumada Soomaaliya oo Tababar Muqdisho uga furtay Haween ka hawlgali doona xarumo cafimaad oo Muqdisho laga furayo

$
0
0

maryam qaasimMuqdisho{RBC Radio} Wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar u furtay haween Soomaaliyeed oo loogu talagalay iney fuliyaan Mashruuca “Marwo Caafimaad”oo ay soo abaabushay wasaaradda horumarinta adeegga bulshada xukuumadda Soomaaliya.

Haweenkan Soomaaliyeed ee tababarka loo furay oo tiro ahaan gaaraya 40 haween ah ayaa waxa uu tababarka maanta loo furay u socon doonaan muddo 3 bilood ah waxaana loogu talagalay iney ka shaqeeyaan xarumo caafimaad oo wasaaradda horumarinta ay ku hawlan tahay iney ka hirgaliso degmooyinka gobolka Banaadir.

Mashruucan ay wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ugu magac dartay “Marwo Caafimaad” ayaa waxaa loogu tala galay in sare loogu qaado xaaladaha caafimaad ee haweenka iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ay Cuduradu daashadeen.

Wasiirka adeegga bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya Maryam Qaasim oo ka hadashay munaasabadda furitaanka Tababarka la siinayo haweenka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in haweenkani ay ka hawlgali doonaan xarumo caafimaad oo wasaaradu ay ka hirgalin doonto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Maryam Qaasim ayaa sheegtay in Mashruuca “Marwo Caafimaad”loogu tala galay kor u qaadida caafimaadka haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed,waxayna xustay in tallaabadani ay tahay wajiga Koowaad ee Mashruucan oo socon doona muddo 5 sano ah sida ay sheegtay.

Wasiirada ayaa ballan qaaday in wajiga labaad ee Mashruucan lagu baahin doono dhammaan gobolada dalka si haweenka iyo Dhallaanka Soomaaliyeed ee halkaa ku dhaqan ay u helaan adeegyada Caafimaad ee ay u baahan yihiin.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles